Diri Dhaba ayaa dadaal ugu jirta hirgelinta magaalo casri ah iyo ballaarinta adeegga “Mesob‐ Halgoob”

Addis Ababa, Dirir /2018 (ENA):  Duqa Ismaamulka Magaalada Diri Dhaba, Khadiir Juhaar, ayaa sheegay in dadaallo xooggan socdaan si loo xaqiijiyo qorshaha “ Diri Dhaba Casri ah” oo lagu dhisayo magaalo dijitaal ah, isla markaana lagu ballaarinayo adeegga “Mesob‐ Halgoob” si tayo iyo baaxadba leh.

Waxaa la dhigay dhagax-dhiggay xarunta tababarka iyo waxbarashada ICT ee laga dhisayo Kuliyadda Farsamada ee Diri Dhaba. Dhagax-dhiggan waxaa ka qayb galay  Duqa Ismaamulka Magaalada Diri Dhaba, Khadiir Juhaar, Ku-xigeenka Duqa ahna, ahna Wakiilka Dowladda ee Golaha Baarlamaanka,  Ibrahim Yusuf, iyo xubno kale oo ka tirsan golaha kaabineetka.


Duqa ayaa sheegay in xaruntan cusub ay door muhiim ah ka ciyaari doonto hirgelinta qorshaha Diri Dhaba Casri ah, oo lagu hormarinayo adeegyada dijitaalka ah iyo maamulka magaalada.

Sidoo kale, xaruntan ayaa lagu sheegay inay gacan weyn ka geysan doonto kor u qaadidda tayada iyo helitaanka adeegyada “Xarunta adeegga Mesob‐ Halgoob”, oo bixisa adeegyo dowladeed oo hal meel laga helo.

Dhismaha xaruntan oo leh shan dabaq ayaa lagu wadaa in lagu dhameeyo 14 bilood gudahood, iyadoo lagu fulinayo si tayo leh iyo kormeer adag.


 

Mas’uuliyiinta kale ee goobta ka hadlay, oo ay ka mid yihiin  Ibrahim Yusuf, ayaa sheegay in xaruntani ay qayb weyn ka qaadan doonto safarka dijitaalka ah ee Diri Dhaba, isla markaana ay dhisi doonto jiil aqoon iyo xirfad u leh hal-abuurka tignoolajiyadda.


 

Maareeyaha Kuliyadda, Saalaxudiin Cabdixamiid, ayaa sheegay in xarunta ay ka koobnaan doonto 42 qol, oo ay ku jiraan xarumo koombiyuutar, qolal cilmi-baaris iyo waxbarasho, studio naqshadeyn, hool shirarka, iyo maktabad dijitaal ah.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015