Bulshada ayaa lagu wargeliyey inay ka feejignaato khiyaamooyinka lagu sameeyo baraha bulshada - ENA Af-Soomaali
Bulshada ayaa lagu wargeliyey inay ka feejignaato khiyaamooyinka lagu sameeyo baraha bulshada

Addis Ababa, Dirir 7/2018 (ENA): Adeegga Ammaanka Maaliyadeed ayaa sheegay inuu wado shaqo lagu ogaanayo laguna qabanayo kooxaha ku lugta leh dambiyada khiyaamada ee lagu fuliyo baraha bulshada.
Waxaa la sheegay in qaar ka mid ah dadka khiyaamada ku lugta leh ay si sharci darro ah u galaan taleefoonnada dadka kale iyaga oo aan fasax ka haysan, kadibna ay ka xadaan xogtooda gaarka ah ee ku jirta baraha sida WhatsApp iyo Telegram, si ay ugu isticmaalaan ujeeddo khiyaano oo ay lacag uga helaan.
Kaddib marka ay akoonnada dadkaasi la wareegaan, waxay u diraan fariimo been ah ehelada, saaxiibbada, iyo asxaabta shaqada oo ay u sheegayaan inay dhibaato ku jiraan, si ay lacag ugu diraan akoon bangi oo hore loo diyaariyey.
Adeegga Ammaanka Maaliyadeed ayaa sheegay inuu si dhow ula shaqeynayo hay’adaha khuseeya si dadka ku lugta leh dambiyadaas loo aqoonsado oo loo horgeeyo cadaaladda.
Bulshadana waxaa lagu booriyey inay ka digtoonaadaan fariimaha lacagaha lagu codsanayo, oo ay xaqiijiyaan runta iyo asalka fariinta ka hor inta aysan jawaab bixin ama lacag dirin, iyo sidoo kale inay raacaan digniinaha iyo fariimaha wacyigelinta ee ay soo saaraan hay’adaha rasmiga ah. Waxaa kale oo lagu dhiirrigeliyey in haddii qof la khiyaameeyo ama isku day lagu sameeyo, arrintaas degdeg loogu wargeliyo hay’adaha amniga.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya