Itoobiya waxaa ka go'an inay noqoto hoggaanka Afrika ee shirarka caalamiga ah ee cimilada - Wasiir Fitsum Assefa (Dr.) - ENA Af-Soomaali
Itoobiya waxaa ka go'an inay noqoto hoggaanka Afrika ee shirarka caalamiga ah ee cimilada - Wasiir Fitsum Assefa (Dr.)

Addis Ababa; Dirir 7/2018 (ENA): Dowladda Itoobiya waxaa ka go’an inay noqoto hoggaanka Afrika ee shirarka caalamiga ah ee cimilada, ayay tidhi Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Fitsum Assefa (Dr.).
Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta ayaa soo qaban qaabisay barnaamij lagu aqoonsanayo dadkii gacanta ka geystay sidii uu guul ugu soo dhammaaday shirkii labaad ee isbeddelka cimilada Afrika.
Barnaamijkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Fitsum Assefa (Dr.), Wasiirka Arrimaha Dibadda Grdhiyoon Timotiwoos (Dr.), Wasiirka Cadaaladda Hanna Arayaselassie iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda iyo xubno ka socday diblomaasiyiinta.
Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Dr. Fitsum waxa kale ay ku sheegtay barnaamijkan in shirkii labaad ee isbeddelka cimilada Afrika uu ahaa mid lagu xaqiijinayo sida ay nooga go'an tahay ka jawaabista saameynta isbeddelka cimilada.
Waxa ay sheegtay in shirkan uu ahaa mid guul ku soo dhamaaday si loo tuso caalamka in Afrikaanka ay safka hore kaga jiraan sidii xal wax ku ool ah looga gaari lahaa isbedelka cimilada.
Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay tahay hab lagu xoojinayo awoodda afrikaanka inay si wadajir ah uga jawaabaan caqabadaha isbeddelka cimilada.
Ugu danbayntii, waxa ay sheegtay in dawladda Itoobiya ay ka go’an tahay in ay guushan u adeegsato si kor loogu qaado hoggaanka Afrika ee shirarka caalamiga ah ee cimilada.
#Wakaalladda Wararka_Itoobiya