Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa ballan qaaday inay xoojinayaan iskaashigooda dhinaca nabadda iyo amniga.

Addis Ababa; Dirir 7/2018 (ENA): Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa ballan qaaday inay xoojinayaan iskaashigooda ku aaddan nabadda iyo amniga.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa maanta xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa ku qaabilay oo la hadlay xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Guddoomiyaha ayaa xubnaha uga warbixiyay qodobbada muhiimka ah ee uu Midowga Afrika diiradda saarayo, sida nabadda, amniga iyo horumarka.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu tilmaamay in iskaashiga Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee QM in la xoojiyo iyadoo loo marayo qaab-dhismeedka Ergayga Joogtada ah ee Afrika (A3) u jooga Golaha Amniga ee QM.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in Afrika ay kursi joogto ah ku yeelato Golaha amniga QM.

Guddoomiyaha ayaa dib u xasuusiyay qaraarkii Golaha Amniga ee tirsigiisu ahaa 2719 ee ku saabsanaa howlgallada nabad ilaalinta ee Afrikaanka ah, isagoo carabka ku adkeeyay in nabad ilaalintu ay muhiim u tahay xasilloonida waarta ee Afrika.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyay hoggaanka Midowga Afrika.

Xubnahan ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee ku aaddan ajandayaasha Afrika ee danta guud, oo ay ku jiraan nabadda, amniga iyo horumar waara, sida lagu sheegay xog ay ENA ka heshay Midowga.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta magaalada Addis Ababa uga furmay wada tashigooda wadajirka ah, waxaana dooda ay socon doontaa ilaa berri.

#Wakaalladda Wararka_Itoobiya 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015