Waaa in laga shaqeeyaa horumarka loo dhan yahay iyada oo loo marayo horumarka ka gudba xuduudaha - IGAD

Addis Ababa; Dirir 7/2018 (ENA): Urur goboleedka IGAD ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay xoojinta horumarinta xuduudaha iyo isku xirka gobollada. 

Shirar sanadeedka Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka oo maalmahan ka socday magaalada Washington ee dalka Maraykanka, ayaa socda maalintiisii afaraad. 

Shir-madaxeedka 26-aad ee Hindisaha Geeska Afrika (HAIR) ayaa lagu soo gebagebeeyey shirka sannadlaha ah, waxaana ka qaybgalayaasha Hindisaha ay qaateen qorshe-hawleed looga shaqrynayo horumarka ka gudba  xuduudaha. 

Waxaa sidoo kale madasha lagaga dhawaaqay hababka maalgelineed ee lagu hirgelinayo qorshe-hawleedkan. 

Ku xigeenka xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD, Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in IGAD ay ka go’an tahay xaqiijinta in horumarka ka gudba xuduudaha ay laf dhabar u tahay adkeysiga gobolka, kobaca dhaqaalaha iyo isku xirka.

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa wada-hadallo laba geesood ah la yeeshay madax ka kala socotay dalal kala duwan oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Maaliyadda ee Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya, isagoo dhinaca kalena wada hadallo labada dhinac ah la yeeshay.

Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray arrimo sii xoojin kara is-dhexgalka gobolka iyo hadafyada horumarineed ee IGAD, sida lagu sheegay xog ay ENA ka heshay urur goboleedka IGAD. 

Shirarka sanadlaha ah ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka ayaa socon doona ilaa 8-da bisha Dirir ee sanadkan 2018-ka.

#Wakaalladda Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015