Kanada waxay sii xoojin doontaa iskaashiga dhaqaale ee ay la leedahay Itoobiya – Nikoolaas Simard

Addis Ababa, Dirir 6/2018 (ENA): Kanada ayaa sheegtay inay sii wadi doonto xoojinta iskaashiga dhaqaale ee kala dhexeeya Itoobiya meelaha kala duwan, sida uu sheegay safiirka cusub ee Kanada ee loosoo magacaabay Itoobiya, Nikoolaas Simard.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, Taaye Asqasilaase, ayaa 4-tii Dirir 2018 ku qaabilay xarunta madaxtooyada safiirro cusub oo dalal kala duwan matalaya, kuwaas oo gudbiyey waraaqahooda safiirnimo. Safiirka Kanada Nikoolaas Simard ayaa ka mid ahaa safiirradaas cusub.

Danjirw Nikoolaas ayaa u sheegay wakaaladda wararka Itoobiya (ENA) in Itoobiya iyo Kanada ay leeyihiin xiriir diblomaasiyadeed, dhaqaale, iyo bulsho oo soo jireen ah oo muddo dheer soo jiray. Wuxuu xusay in xiriirka labada dal uu sii fidayo oo korayo waqti ka waqti, isla markaana Kanada ay ka mid tahay saaxiibbada horumarka ee ugu muhiimsan Itoobiya.

Safiirku wuxuu intaas ku daray in Kanada ay sii wadi doonto xoojinta iskaashiga ay la leedahay Itoobiya, gaar ahaan dhinacyada duulista hawada, macdanta, waxbarashada, iyo meelo kale oo muhiim ah.

Wuxuu ugu dambayn sheegay in labada dal ay si wadajir ah uga shaqeynayaan xasilloonida iyo nabadda Bariga Afrika, isla markaana ay ka go’an tahay inay sii xoojiyaan iskaashigaas mustaqbalka.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015