Suxufiyiinta Itoobiya waa in ay door ka ciyaaraan ilaalinta danaha qaranka, midnimada bulshada, horumarka iyo wadajirka dalka - ENA Af-Soomaali
Suxufiyiinta Itoobiya waa in ay door ka ciyaaraan ilaalinta danaha qaranka, midnimada bulshada, horumarka iyo wadajirka dalka

Addis Ababa, Dirir /2018 (ENA): Lataliyaha Ra'iisul Wasaaraha ee Arrimaha Bulshada, Mucaasa Tibabaat, Dhiyaaqoon Dhanieel Kibrat, ayaa sheegay in suxufiyiinta Itoobiya looga baahan yahay in ay shaqadooda ku saleeyaan ilaalinta danaha qaranka, xoojinta midnimada ummadda, kobcinta wadajirka iyo dardargelinta horumarka dalka.
Hadalkaasi wuxuu ka jeediyay xafladdii lagu daahfurayay Xarunta Horumarinta Warbaahinta Itoobiya, oo lagu qabtay jaamacadda Addis Ababa. Xaruntan waxaa loo sameeyay in ay tababarto suxufiyiinta iyo hay’adaha warbaahinta si ay ula jaanqaadaan baahiyaha xirfadeed iyo teknoolojiyadda cusub ee warbaahinta casriga ah.
Dhiyaaqoon Dhanieel ayaa sheegay in suxufiyiinta Itoobiya, ha ahaadeen kuwa dawladeed, gaar loo leeyahay ama kuwa diimeed, aysan kala duwanaan karin marka ay timaaddo difaaca danaha qaranka. Wuxuu xusay in ilaalinta danaha qaranka ay tahay masuuliyad ka saaran dhammaan warbaahinta, isla markaana aanay jirin meel looga baxayo doorkaasi.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in warbaahintu tahay in ay xoojiso midnimada qaranka, wadajirka shacabka, iyo in ay noqoto cod mideeya bulshada, halkii ay noqon lahayd mid kala fogeysa. Wuxuu sidoo kale ku baaqay in suxufiyiintu si miyir leh ugu shaqeeyaan dhiirrigelinta horumarka iyo dhismaha mustaqbalka dalka.
Agaasimaha guud ee Hay’adda Warbaahinta Itoobiya, Dr. Saamson Mekonen, ayaa dhankiisa sheegay in warbaahintu ay door muhiim ah ku leedahay horumarinta iyo ilaalinta danaha qaranka, isla markaana xarunta cusub ay kaalin weyn ka qaadan doonto soo saarista suxufiyiin xirfad leh oo daacad u ah dalkooda.
Wuxuu intaas ku daray in xarunta lagu dhisay xirfado adag iyo teknoolojiyad casri ah, isla markaana ay si dhow ula shaqayn doonto jaamacadaha iyo hay’adaha siyaasadd dejinta, si loo helo nidaam warbaahineed oo anshax leh oo waxtar u leh dalka.
Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Afhayeenka Golaha Wakiilada Shacabka Taagasa Jaafo, madax sare oo ka tirsan dowladda federaalka, madaxda warbaahinta, iyo maamulka jaamacadda Addis Ababa.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya