Warbaahinta waa inay si dhab ah u gutaan kaalintooda ilaalinta danaha qaranka iyo bulshada – Taagasa Jaafo - ENA Af-Soomaali
Warbaahinta waa inay si dhab ah u gutaan kaalintooda ilaalinta danaha qaranka iyo bulshada – Taagasa Jaafo

Addis Ababa, Dirir 6/2018 (ENA): Afhayeenka Golaha Wakiilada Shacabka, Taagasa Jaafo ayaa sheegay in warbaahinta ay waajib ku tahay in ay si habboon u gutaan kaalintooda ilaalinta danaha qaranka iyo bulshada.
Wuxuu xusay in dowladda ay waddo dib-u-eegisyo sharci iyo nidaamyo lagu ballaarinayo warbaahinta.
Munaasabadda daahfurka xarunta “Xarunta Horumarinta Warbaahinta Itoobiya” oo lagu qabtay jaamacadda Addis Ababa ayaa lagu sheegay in xaruntani ay ujeeddadeedu tahay in la dhiso awoodda xirfadeed ee suxufiyiinta iyo hay’adaha warbaahinta si ay ula jaanqaadaan isbeddelka tiknoolajiyada iyo baahida warbaahinta casriga ah.
Xaruntan oo kaashanaysa Jaamacadda Addis Ababa ayaa bixin doonta tababaro la xiriira anshaxa suxufiyadda, sharciyada warbaahinta, iyo arrimo kale oo ku saabsan ilaalinta danaha qaranka.
Taagasa Jaafo, ayaa sheegay in warbaahintu ay door weyn ka ciyaarto dhisidda nabadda iyo beddelidda fikirka bulshada, iyada oo soo gudbinaysa xog dhab ah oo waxtar leh.
Dowladdu waxay sheegtay inay kor u qaaday tirada iyo noocyada warbaahinta iyadoo la hagaajiyay sharciyada iyo habraacyada, taasoo qayb ka ah dadaalka lagu ballaarinayo warbaahinta dalka.
Warbaahinta Itoobiya ayaa lagu boorriyay in ay door firfircoon ka qaataan horumarinta iyo barwaaqada dalka, balse afhayeenku wuxuu sheegay in faafitaanka warbaahinta casriga ah uu sidoo kale keenay caqabado, sida faafinta warar been ah iyo hadallo naceyb ah oo wax u dhimi kara bulshada.
Sidaas awgeed, wuxuu ku boorriyay warbaahinta inay si xirfad leh oo anshax leh u gutaan waajibaadkooda ilaalinta danaha qaranka iyo bulshada.
Waxaa kale oo uu xusay in xarunta horumarinta warbaahintu ay kaalin weyn ka qaadan doonto dhisidda nidaam warbaahineed oo anshax leh oo dalka u adeega.
Xafladda furitaanka xarunta waxaa ka qaybgalay Wasiirka Adeega Xidhiidhka Dawladda Inaatalam Melese, Lataliyaha Ra'iisul Wasaaraha ee Arrimaha Bulshada, Mucaasa Tibabaat, Dhiyaaqoon Dhanieel Kibrat, Dr. Biqila Hurisa oo ah madaxa xiriirka arrimaha bulshada iyo dibadda ee xisbiga Barwaaqo, Dr. Saamson Mekonen oo ah agaasimaha guud ee hay’adda warbaahinta Itoobiya, Dr. Samuel Kifle oo ah Kusimaha madaxweynaha Jaamacadda Addis Ababa, madaxda warbaahinta iyo marti sharaf kale.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya