Itoobiya luminta marin badeedka ayaa ku yimid dayacaad maamulkii xilligaas iyo inaan jiilka xiga laga fekerin — Khubaro

Addis Ababa, Dirir 6/2018 (ENA): Khubaro ku xeel dheer cilmiga siyaasadda iyo arrimaha Geeska Afrika ayaa sheegay in Itoobiya ay lumisay marin-badeedkeedii sababo la xiriira dayacaad iyo qorshe siyaasadeed oo dad samee ah, taas oo keentay in jiilalka dambe ay dhibaato ka dhaxlaan.

Khubaradan, oo la hadlay Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA), ayaa tilmaamay in luminta marin badeedku ay ahayd arrin murugo leh, ayna ka dhalatay fashil hoggaamineed iyo la’aanta qorshe qaran oo mideeya danaha dalka.

Brof. Dhaawiit Mesgebe, oo ah bare ka tirsan Jaamacadda Dilla, isla markaana ah cilmi-baare ku takhasusay siyaasadda Geeska Afrika, ayaa sheegay in Itoobiya ay lumisay marin-badeedkeedii iyadoo aysan jirin sabab sharci ah ama dabiici ah oo keentay, balse ay sabab u ahayd daciifnimadii iyo qaladaadkii maamulka waqtigaas.

Wuxuu intaas ku daray in helitaanka marin badeed aysan ahayn arrin siyaasadeed oo keliya, balse uu leeyahay faa’iidooyin dhaqaale, istiraatiiji, iyo horumarineed oo waaweyn, kuwaas oo muhiim u ah isku xidhka bulshooyinka iyo iskaashiga gobolka.

Dhankiisa, Brof. Mulu Alem Haylemariyam oo ka tirsan Jaamacadda Wajaamo, ayaa sheegay in codsiga Itoobiya ee ku aaddan helitaanka marin badeed uu haysto taageero ballaaran oo shacabka ah, maadaama uu yahay mid ku saleysan maslaxadda guud ee qaranka, isla markaana aan ku xaddidnayn dano xisbi ama dowladeed.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in waddamo kale oo gobolka ah ay si wanaagsan u fahmeen baahida Itoobiya, isla markaana ay jiraan tusaalooyin muujinaya in arrintaas loo wajahayo si diblomaasiyad leh iyo wada-hadal.

Khubaradu waxay ku booriyeen dowladda in ay sii waddo dadaallada ay ku raadineyso marin badeed, iyadoo ilaalinaysa xiriirka wanaagsan ee ay la leedahay waddamada deriska ah iyo kuwa saameynta caalamka leh.

Waxay sheegeen in Itoobiya ay tahay dal leh taariikh dheer, dad tiro badan, iyo awood dhaqaale oo soo koraysa, sidaas darteedna aysan macquul ahayn in waddan noocaas ah uusan lahayn marin badeed.

Ugu dambayn, khubaradu waxay xuseen in rabitaanka helitaanka marin badeed uu si qoto dheer ugu jiro qalbiga shacabka Itoobiya, isla markaana uu yahay arrin sii jiri doonta ilaa xal waara laga gaadho.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015