FAO ayaa siisay Itoobiya abaalmarin ku saabsan “Horumarka waara ee Isticmaalka iyo ilaalinta kaynta”

Addis Ababa, Dirir 5/2018 (ENA): Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Adduunka (FAO) ayaa Itoobiya siisay aqoonsi ku saabsan “Horumarka waara ee Isticmaalka iyo ilaalinta kaynta”

Abaalmarintan, oo ay bixisay FAO oo xarunteedu tahay Rome, Talyaani, waxaa si rasmi ah u gudoontay Wasiirka Dalxiiska ee Itoobiya, Salaamaawiit Kaasaa.

FAO waxay abaalmarintan siisay Itoobiya iyada oo tixgelinaysa dadaalka joogtada ah ee dalka ka wado ilaalinta amniga cunnada, bixinta cunto isku dheeli tiran, iyo horumarinta wax-soosaarka dalagga. Abaalmarintan waxaa sidoo kale lagu xusay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed, uu taageero muuqata u muujiyey hawlahaas.

Waxaa la xusay in aqoonsiga FAO ee “Biladda Beeraha” uu yahay mid sharaf iyo tixgelin u ah horumarka Itoobiya ku tallaabsatay dhinaca beeraha iyo cuntooyinka.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015