Ciidamada Cirka ayaa heegan adag ugu jira si ay u gutaan waajibaad kasta oo loo igmado— Sareeye Guuto Yilmaa Mardhaasaa - ENA Af-Soomaali
Ciidamada Cirka ayaa heegan adag ugu jira si ay u gutaan waajibaad kasta oo loo igmado— Sareeye Guuto Yilmaa Mardhaasaa
Addis Ababa, Dirir 5/2018 (ENA): Ku-xigeenka taliyaha Ciidamada Cirka ayaa abaalmariyay qeybaha kala duwan ee guulo ka gaaray howlgalada hawada, isagoo siiyay shahaadooyin sharaf.
Sareeye Guuto Yilmaa Mardhaasaa, Taliyaha Ciidanka Cirka ee dalka ayaa tilmaamay in ciidamada cirka ay hadda lewyihiin awood iyo diyaargarow buuxa oo ay ku fulin karaan hawlaha iyo waajibaadka loo igmado, isla markaana ay horumar muuqda ka sameeyeen dib-u-habeynta iyo isbeddellada lagu sameeyay hay’adda.
Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu sheegay in guulaha la gaaray ay natiijo u yihiin wadajirka iyo shaqada adag ee saraakiisha iyo xubnaha ciidamada cirka.
Dhankiisa, ku-xigeenka taliyaha ciidamada cirka ee howlgalada hawada, Janaraal Tesfaaye Legese, ayaa sheegay in qeybtiisu si firfircoon u ilaalinayso hawada Itoobiya, taasoo kor u qaadaysa heerka dagaal iyo diyaar garowga ciidanka.
Waxaa sidoo kale la sheegay in cutubyadii si xirfad leh u fuliyay hawlahooda la guddoonsiiyay shahaadooyin iyo mahadnaq, sida uu sheegay sarkaalka warbaahinta casriga ah ee ciidanka difaaca, Leetanel Korneel Wubishet Jekol.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya