Waxaa la aasaasay 270 iskaashatooyin beeraley ah si loo xoojiyo isku xirka beeraleyda iyo warshadaha— Wasaaradaha Warshadaha

Addis Ababa; Dirir/Tiqimt 5/2018 (ENA):— Wasiiru Dowlaha Warshadaha Itoobiya, Mudane Xasan Maxamed, oo waraysi siiyay Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA), ayaa sheegay in la aasaasay 270 iskaashatooyin beeraley ah, kuwaas oo ay si wadajir ah u dhiseen 400,000 oo beeraley. 

Wuxuu intaas ku daray in sidoo kale la sameeyay lix iskaashato oo waaweyn oo beeraleyda ah, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya horumarinta wax soo saarka beeraha.

Wasiiru Dowluhu wuxuu sheegay in dalka ay hadda ka shaqeeyaan afar warshadood oo lagu farsameeyo wax soo saarka beeraha, kuwaas oo kala ah: Bulbula oo ku taalla Oromiya, Yirgaalem oo ku taalla Sidhaama, Bure oo ku taalla deegaanka Amxaarada, iyo mid kale oo ku taalla waqooyiga dalka. Dhismaha warshadahan ayaa ku kacay 280 milyan oo doolar, waxaana loogu talogalay in lagu xoojiyo isku xirka beeraleyda iyo warshadaha.


 

Mudane Xasan ayaa xusay in dadaalkan uu ka jawaabayo caqabado hore oo la xiriiray tayada wax soo saarka iyo suurtagalnimada dhoofinta, maadaama hore loo dhoofin jiray badeecooyin aan la hubin tayadooda, taasoo keentay in qiimaha suuqa hoos u dhaco, shaqo abuurkuna yaraado.

Wasiiru Dowluhu wuxuu intaas ku daray in UNIDO iyo GIZ ay ka taageeraan tababarro lagu xoojinayo xirfadaha beeraleyda iyo ilaalinta tayada wax soo saarka, si kor loogu qaado tirada iyo tayada wax soo saarka beeraha.


 

Sidoo kale, waxaa la aasaasay 22 xarumood oo wax soo saarka beeraha lagula kala wareego, kuwaas oo hadda tijaabo ahaan u shaqeeya, iyadoo la qorsheynayo in lagu fidiyo guud ahaan dalka.

Ugu dambayntii, waxa uu xusay in sidoo kale ay socdaan daraasado ballaaran oo lagu ogaanayo meelaha ku habboon in laga hirgeliyo warshadaha lagu farsameeyo wax soo saarka beeraha ee deegaannada aan weli lahayn warshado noocaas ah.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015