Isbeddelka casriga ah ee Dijitaalka fursad gaar ah ayuu u yahay inuu beddelo taariikhda Dhaqaalaha Afrika – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) - ENA Af-Soomaali
Isbeddelka casriga ah ee Dijitaalka fursad gaar ah ayuu u yahay inuu beddelo taariikhda Dhaqaalaha Afrika – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)

Addis Ababa, Kodxin/Maskaram 29/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa sheegay in isbeddelka dijitaalka ahi uu Afrika u yahay fursad gaar ah oo lagu beddeli karo taariikhda dhaqaalaha qaaradda.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hadalkan ka sheegay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kaga qaybgalay shir madaxeedka 24aad ee COMESA oo cinwaankiisu ahaa “In la Adeegsado Dijitalaynta si loo Kordhiyo Qiimaha Silsiladda Soo Saarista una Adeego Koboc Waara iyo Ka-qaybgalka Dhammaan.”
Ra’iisul Wasaare Abiy, oo fariin uu ku daabacay bartiisa baraha bulshada, ayaa xusay in isbeddelka dijitaalka ahi uu yahay fursad taariikhi ah oo Afrika u saamaxaysa inay dib u qorto sheekada dhaqaalaha qaaradda.
Waxa uu sheegay in Afrika ay leedahay awoodda iyo aasaaska lagu mideyn karo dadaallada dalalka iyo lagu dardargelin karo iskaashiga dhaqaale ee joogtada ah.
Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa tilmaamay in Itoobiya ay qaaday tallaabooyin muuqda oo lagu kobcinayo awoodda dijitaalka ee lagu dhisayo kaabayaasha lagama maarmaanka ah, isagoo intaas ku daray in dalku diyaar u yahay inuu si wadajir ah uga shaqeeyo horumarinta suuq dijitaal ah oo mideeya dalalka gobolka.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya