Deegaanka Axmaarada waxa uu nabad iyo barwaaqo ku gaadhayaa halgan laba geesood ah – Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Tamasgen Tiruneh

Addis Ababa; Kodxin/Maskaram 25/2018 (ENA): Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Tamasgen Tiruneh ayaa sheegay in deegaanka Axmaarada uu nabad iyo barwaaqo ku gaadhayo halgan laba geesood ah.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Temesgen Tiruneh ayaa daah furay shaqada dib u habaynta,dijitaalka iyo dhismaha cusub ee ciidanka booliska deegaanka Axmaarada.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Tamasgen, ayaa dhambaalkiisa munaasabadda ku xusay in Deegaanka Axmaarada uu yahay deegaan ku jira halgan laba geesood ah oo kala ah la dagaalantay xagjirnimada iyo dhanka kalena waxay la dagaalanka faqriga iyo dib u dhaca si barwaaqo loo gaarsiiyo.

Waxa uu xusay in ciidanka booliska deegaanka Axmaarada ay  u hureen ilaalinta nabada iyo amaanka muwaadiniinta deegaanka.

Waxa uu sheegay in booliska deegaanku ay la dagaal kula jiraan dambiilayaasha ah, kuwa xagjirka ah, kuwa musuqa ah, kuwa wax tahriibiya dadka.

Waxa uu sheegay taliyaha in ciidanka booliska deegaanka ay wadeen howlo kala duwan oo dib u habeyn ah iyadoo la tixgelinayo kororka tirada iyo nooca ciidamada ee isku dayaya inay carqaladeeyaan horumarka dalka iyo kan deegaanka.

Wuxuu xusay in dib u habeynta lagu sameeyay hay’adaha booliska aya keenatay in ay hay'adahaas noqdaan kuwa tayo leh, howl-gal iyo fikit boolis oo madax-banaan ku dhisan, isla markaana laga shaqeynayo sidii laamaha booliska ee gobolada iyo xafiisyada degmooyinka ay u noqon lahaayeen kuwo ku habboon shaqada.

Waxa uu carabka ku dhuftay in ay ka shaqeeyeen ka dhigista goobaha shaqada ee Xarunta Booliska deegaanka mid ku haboon howl gal iyo adeeg sidaas darteedna loogu sameeyay howlo casriyeyn ah.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada booliska oo kaashanaya hay’adaha kale ee amniga ay si weyn uga go’an tahay in ay si hufan u gutaan waajibaadkooda ku aaddan ilaalinta sharciga, ka hortagga colaadaha iyo xakameynta falalka sharci darrada ah ee ka dhacaya dhammaan degmooyinka deegaanka.

Waxa uu tilmaamay in nidaam iyo hay’ad ay ku taageerto teknoloojiyadda oo sahlaysa in si degdeg ah looga jawaabo talooyinka muwaadiniinta la dhamaystiray oo la hawlgeliyay.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in Booliska laga doonayo inay is beddelaan; waxa uu sheegay in loo baahan yahay in wax laga bedelo hab-dhaqanka si loo dhiso ciidan boolis ah oo u diyaarsan hadafkooda.

Sidoo kale waxa uu xusay in Booliska ay ka fogaadaan eex siyaasadeed, aysan faragelin Diinta, tuuganimada iyo cunsuriyadda ka fogaadaan iyagoo shacabka u adeegaya.

Waxa uu sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska Deegaanka Axmaarada in looga baahan yahay in ay qoraan taariikh ifaysa oo ay deegaanka ka ilaaliyaan xagjirka iyo qalalaasaha, awoodna u siiyaan horumarka, una huraan hawlihii ay aaminsanaayeen ee ay u ballan qaadeen, kana xoroobaan xag-jirnimada, hunguriga iyo tuuganimada qalbiga, maskaxda iyo gacmahaba.

Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidii aan aqbalin baaqa nabadeed ee dowladda.

Waxa uu sheegay in dib-u-habaynta booliisku ay tahay mid taariikhi ah oo wakhtigeeda ku soo beegan oo xiiso leh; Waxa uu sheegay in dowladda Federaalka ay sii wadi doonto taageerada lagama maarmaanka ah si loo xaqiijiyo in dib u habeynta uu billaabay Booliska deegaanka uu noqdo mid lagu guulaystay.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015