Golaha Amniga ee Deegaanka Soomaalida ayaa yeeshay kulan ay kaga hadlayeen Amniga Gudaha iyo Xuduudaha

Addis Ababa, Kodxin/Maskaram 20/2018 (ENA):  Kulankii todobaadlaha ahaa ee Golaha Amniga ee deegaanka Soomaalida waxaa shir-guddoomiyay Madaxa Xafiiska Nabadgelyada Deegaanka, Mudane Cabdiqaadir Rashiid, waxaana kasoo qayb galay dhammaan masuuliyiinta hay’adaha amniga deegaanka.

Kulanka ayaa ka qabsoomay xafiiska Nabadgelyada, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa amniga gudaha iyo ilaalinta xuduudaha ee deegaanka, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni joogto ah.

Masuuliyiinta ka qayb-galay kulanka ayaa sidoo kale qiimeyn ku sameeyay waxqabadkii iyo caqabadihii hawlihii amniga ee toddobaadkii hore, iyagoo falanqeeyay meelaha guulaha laga gaaray iyo kuwa u baahan in la xoojiyo.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee xafiiska Nabadgelyada uu ku doonayo in lagu horumariyo waxqabadka hay’adaha amniga iyo in la hubiyo in deegaanka uu ka jiro nabad waarta.

 

Xafiiska Nabadgelyada Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in kulamada noocan oo kale ah ay sii wadi doonaan toddobaad kasta, si loo xoojiyo isku xirnaanta hay’adaha amniga iyo dabagalka hawlgallada amni ee deegaanka.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015