Itoobiya — Dal hodan ku ah taariikh, dhaqan iyo qurux dabiici ah, sida ay sheegeen dalxiisayaasha dibadda - ENA Af-Soomaali
Itoobiya — Dal hodan ku ah taariikh, dhaqan iyo qurux dabiici ah, sida ay sheegeen dalxiisayaasha dibadda
Addis Ababa, Kodxin/Maskaram 20/2018 (ENA): Dalxiisayaal dibadda oo la hadlay Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA) ayaa sheegay in Itoobiya ay ka mid tahay dalalka ugu soo jiidashada badan Afrika, iyadoo leh goobo taariikhi ah, dhaqan qadiimiga ah, iyo muuqaal dabiici ah oo quruxda badan.
Sanad kasta, in ka badan hal milyan oo dalxiisayaal ajnabi ah ayaa usoo safra Itoobiya si ay u booqdaan goobaha taariikhiga iyo kuwa dabiiciga ah, oo qaar badan oo ka mid ah lagu qoray liiska dhaxalka adduunka ee UNESCO.
Dalxiisayaasha, sida Markiya Darn oo u dhalatay Mareykanka, ayaa sheegtay in safarkeedii hore ay ku booqatay Lalibela, ay daawatay xafladda Timkat, iyo sidoo kale ay la kulantay dhaqanka qoomiyadaha ku nool dooxada Omo. Waxay tiri, “dadka iyo dhaqankooda ayaa ah waxa i soo jiiday, waana sababta aan mar labaad u imid.”
Sidoo kale, Nick Din oo u dhashay Australia, ayaa sheegay inuu ku raaxaystay booqashada dooxada Omo iyo meelo kale oo dalxiis ah, isagoo tilmaamay in dhaqanka dadka deegaanka iyo qaab nololeedkoodu yihiin “waayo-aragnimo aan la ilaawi karin.”
Dalxiisaha u dhashay Spain, Bablo Widin, ayaa sheegay inuu booqday goobaha dabiiciga ah iyo kuwa diineed ee Itoobiya, kuwaas oo “indhaha loou raaxeyn karo, nafta lagu dejiyo, ayna ka buuxaan xasillooni iyo degenaan.”
Waxay tilmaameen in Itoobiya tahay dal leh taariikh qoto dheer, dhaqan hodan ah, iyo qurux dabiici ah, taasoo ka dhigaysa meel caan ku ah dalxiisayaasha.
Sidoo kale, waxay si gaar ah u xuseen Madxafka Qaranka ee Itoobiya, oo ay sheegeen inuu ku yaallo mid ka mid ah xarumaha ugu taariikhda dheer Afrika, isla markaana uu kaydiyo hantida qaran, lafihii hore iyo natiijooyinka cilmibaarista ee adduunka muhiimka u ah.
Warkqesh Sewde, oo asal ahaan Itoobiyaan ah balse degan Mareykanka, ayaa sheegtay in mar kasta oo ay dalka ku soo laabato ay dareento farxad iyo xiriir ruuxi ah oo qoto dheer.
Gebogabadii, waxay dalxiisayaashu sheegeen in Itoobiya tahay dal soo jiidasho leh, leh taariikh, dhaqan, hidde iyo cimilo gaar ah, taasoo ka dhigaysa meel qof kasta u qalanta in uu booqdo.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya