Xarun cusub oo Saynis, Teknolojiyad iyo Hal-abuur ah ayaa laga hirgeliyay Jaamacadda Ambo

Addis Ababa, Kodxin/Maskaram 17/2017 (ENA): Xarun cusub oo lagu horumarinayo sayniska, teknoolojiyadda iyo hal-abuurka oo loo yaqaan “ANSO AfriKa” ayaa si rasmi ah looga furay Jaamacadda Ambo ee Itoobiya.

Xafladdii furitaanka ayaa lagu sheegay in xaruntan ay noqoneyso tii ugu horraysay ee noocan ah ee laga hirgeliyo Itoobiya, taas oo sidoo kale ka qayb qaadan doonta mashaariicda heer Afrika ee la xiriira sayniska, hal-abuurka iyo teknoolojiyadda.

Xaruntan ayaa lagu sheegay inay xoojin doonto iskaashiga u dhexeeya jaamacadaha dalka, khubarada iyo warshadaha si wadajir loogu horumariyo aqoonta iyo tiknoolojiyadda casriga ah.


 

Wasiiru Dowlaha Waxbarashada, Dr. Kooraa Tushune, ayaa sheegay in xaruntan cusub ay dardar gelin doonto safarka Itoobiya ee ku wajahan noqoshada xarun hal-abuurnimo iyo tiknoolojiyadeed oo heer qaran iyo qaaradeed ah.


 

Madaxweynaha Jaamacadda Ambo, Dr. Baysa Lataa, ayaa dhankiisa tilmaamay in xaruntan ay sare u qaadi doonto heerka jaamacadaha dalka, iyagoo u beddelmaya xarumo cilmi-baaris iyo hal-abuur oo caalami ah.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay in xaruntan ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonto beddelidda fikradaha hal-abuurka ee xalka u ah dhibaatooyinka bulshada, looguna rogo waxqabad dhab ah oo la taaban karo.

Intaa waxaa dheer, xaruntan ayaa lagu sheegay inay gacan ka geysan doonto in warshadaha dalka ay isticmaalaan tiknoolojiyad casri ah si ay u qaataan kaalintooda caalamiga ah.

ANSO waa hay’ad ay taageerto dawladda Shiinaha, waxayna diiradda saartaa is-weydaarsiga aqoonta iyo tiknoolojiyadda, iyo sidoo kale horumarinta sayniska iyo hal-abuurka ee qaaradda Afrika.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015