Ciyaaryahannada Itoobiya ee Sige Kaahsaay ayaa kaalinta koowaad ka gashay Afrika tartanka baaskiillada adduunka - ENA Af-Soomaali
Ciyaaryahannada Itoobiya ee Sige Kaahsaay ayaa kaalinta koowaad ka gashay Afrika tartanka baaskiillada adduunka

Addis Ababa, Kodxin/Maskaram 17/2017 (ENA): Ciyaaryahannada Itoobiya ee Sige Kaahsaay ayaa kaalmaha hore kaga jira Afrika dhanka dhalinyarada ee tartanka baaskiillada adduunka.
Tartankan caalamiga ah ee baaskiil wadista ayaa ka socday dalka Rwanda, waxaana lagu tartamay qaybo kala duwan oo ay ka mid ahayd ciyaarta waddooyinka.
Sige Kaahsaay ayaa masaafo dhan 74 kiiloomitir ku jirtay tartanka da’yarta ee waddooyinka, iyadoo kaalinta 1aad ka gashay tartanka guud ahaan Afrika.
Iyadoo muujisay dadaal iyo xirfad heer sare ah, Sige waxay sidoo kale gashay kaalinta 7-aad ee caalamka, taasoo ah guul weyn oo taariikhi ah oo loogu dabaaldegay gudaha Itoobiya.
Ka hor tartankan,Sige Kaahsaay ayaa hore ugu guuleysatay kaalinta koowaad ee Afrika ee qaybta "waqtiga shaqsiga" ee da’yarta, taas oo muujinaysa horumar iyo hibada ay u leedahay ciyaaraha baaskiil wadista.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya