Dadaalka Itoobiya ee ku aaddan hagaajinta tayada hawada waa mid ammaan mudan - Machadka

Addis Ababa; Kodxin/Maskaram 15/2018 (ENA): Machadka caalamiga ee cilmi baarista iyo ilaalinta deegaanka Stokholm ayaa sheegay in, ballanqaadka iyo dadaalka Itoobiya ee lagu hagaajinayo tayada hawada waa mid amaan mudan.

Wadamada iyo hay'adaha ayaa ka shaqeeya hagaajinta tayada hawada iyagoo horumarinaya tilmaamayaasha tayada hawada si loo go'aamiyo in hawadu nadiif tahay ama ay wasakhaysan tahay.

Hagaajinta tayada hawadu waxay door muhiim ah ka ciyaartaa dhimista khatarta cudurada, ilaalinta deegaanka iyo la dagaalanka isbedelka cimilada.

Machadka Deegaanka ee Stokholm ayaa waxaa la aasaasay 1989 T.I, wuxuuna bixiyaa talo cilmiyeed wuxuuna taageeraa dhisidda awoodda si wax looga qabto cimilada, deegaanka iyo caqabadaha horumarka waara.


 

Nigongang Wanji Danub, oo ah khabiir ku takhasusay tayada hawada iyo cilmi-baare ka tirsan Machadka deegaanka ee Stokholm ayaa waraysi uu siiyay ENA ku ammaanay sida xooggan ee ay Itoobiya uga go’an tahay horumarinta tayada hawada.

Waxa uu sheegay in shaqada Itoobiya ee ku saabsan ururinta xogta tayada hawada si joogto ah iyo ka hortagga dikhowga ay tahay mid dhiirigelin leh.

Waxa uu sidoo kale ammaanay sida ay uga go’an tahay hay’adda in ay xogta u isticmaasho siyaasad ahaan.

Khabiirkan ayaa sheegay in machadku uu ka taageerayo hay’adda ilaalinta deegaanka ee maamulka magaalada Addis Ababa hawlaha ururinta xogta tayada hawada iyo la socodka tayada hawada caasimadda.

Waxa uu kula taliyey in Itoobiya ay ku dadaasho sidii ay u yarayn lahayd wasakhowga iyada oo si joogto ah u ururinaysa xogta tayada hawada oo ay ka mid yihiin teknoolajiyada uu soo saaray machadka sirdoonka Artificial Intelligence ee Itoobiya.

Waxa uu tilmaamay in tayada hawada iyo xogta cimiladu ay tahay in si isku dhafan loo isticmaalo si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo ka hortagga wasakhowga.

Wuxuu sheegay in machadka deegaanka Stokholm uu ka taageerayo wadamada Afrika oo ay ku jirto Itoobiya sidii loo horumarin lahaa tayada hawada.

Waxa uu ku booriyay wadamada in ay ka shaqeeyaan sidii ay u gaari lahaayeen natiijada la rabo iyaga oo isku daraya xogta tayada hawada iyo xogta cimilada ee xarumaha saadaasha cimilada iyo dardar gelinta u gudubka dhaqaalaha cagaaran. 

Gabagabadii, waxa uu khabiirku ugu baaqay dadka Afrikaanka ah in ay sii wadaan shaqadooda si ay u dhexgalaan arrimaha tayada hawada oo ay u noqdaan qaab-dhismeedka hay'adaha iyo siyaasadda.

#Wakaalladda Wararka_Itoobiya 
Wakaaladda Wararka Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015