Isu soobax dadweyne oo loogu dabbaal dagayo fhamaystirka biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya ayaa ka socda Magaalada Hawasa ee Caasimadda Deegaanka Sidhaama.

Hawassa; Kodxin/Maskaram 13/2018 (ENA): Waxa magaalada Hawassa ee dawlad deegaanka Sidhaama ka socda isu soo bax dadweyne oo halku dhigiisu yahay “Midnimadu ayaan ku dhamaynay” kaas oo loogu dabbaal dagayo dhamaystirka biyo-xudheenka weyn ee Itoobiya .

Isu soobaxa ayaa waxaa goob joog ka ah madaxweynaha deegaanka Sidhaama mudane Dhesta Ledhamo iyo madax kale.

Isu soo baxan ayaa waxaa loovu dhawaaqayay farriimo kala duwan oi ay kamid yihiin, “Dhamaystirka biyo xidheenka weyn ee Itoobiya waa astaanta barwaaqadayada”, “Waan midaysanahay”, “Dhamaystirka wanaagsan ee biyo-xidheenka ayaa ah abaal-marinteena guusha”, “Dhamayskeennu waa aasaaska midnimada iyo wadajirkeena qarankeena”, "Biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya waa astaanta dib-u-soo noolaynta Itoobiya".

Waxaa la xasuustaa in dhismaha biyo xidheenka uu socday 14-kii sano ee la soo dhaafay, isaga oo ka gudbay cadaadisyo iyo caqabado kala duwan, waxaana si rasmi ah loo daah furay 4-tii Bagumen, 2017 T.I.

#Wakaalladda Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015