Gudoomiyaha Bangiga Qaran ee Itoobiya ayaa kulamo la yeeshay Dowladda iyo Ganacsatada Shiinaha

Addis Ababa, Kodxin/Maskaram 12/2017 (ENA): Wafti uu hoggaaminayo Gudiomiyaha Bangiga Qaran ee Itoobiya, Dr. Eyob Tekaaliny, ayaa kulamo la yeeshay dowladda iyo ganacsatada Shiinaha si loo xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya.

Inta uu joogo Shiinaha, wuxuu la kulmi doonaa masuuliyiin sare oo ka socda Wasaaradda Maaliyadda ee Shiinaha, Bangiga Bulshada Shiinaha, Bangiga EXIM, iyo sidoo kale hay’ado kale oo maaliyadeed iyo ganacsi oo muhiim ah.


 

Wadahadaladan ayaa diiradda lagu saari doonaa mashruucyo maalgashi oo qayb ka ah ajandaha horumarinta dhaqaalaha ee dalka.

Booqashadan ayaa sidoo kale lagu xoojinayaa xiriirka iskaashiga ee u dhexeeya Itoobiya iyo Shiinaha iyo kobcinta wada shaqeynta dhaqaalaha.

#Itoobiya  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015