Masuuliyiin heer deegaan ah iyo qurbajoogta degmada Caleen ayaa dhagax dhigay mashaariic horumarineed

Addis Ababa, Kodxin/Maskaram 12/2017 (ENA): Masuuliyiin heer deegaan ah, qurbajoogta degmada Caleen iyo guddoomiyaha gobolka Qorraxay ayaa si wadajir ah uga qeybgalay munaasabadda xafladda qaab-dhismeedka cusub ee degmada Caleen, iyagoo dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo kala duwan.

Mashaariicda la dhagax dhigay ayaa ka mid ah lix xafiis oo degmada Caleen ah oo ay maalgelinayaan qurbajoogta deegaanka, hoyga jiifka casriga ah ee Astur oo uu dhisayo ganacsade deegaanka u dhashay, iyo sidoo kale madarisado waxbarasho.

Masuuliyiinta goobta ka hadlay ayaa ku bogaadiyay kaalinta qurbajoogta degmada Caleen iyo maamulka magaalada Shilaabo ee kaalin muuqata ka qaata dhismaha kaabayaasha horumarineed.


 

Madaxa Xafiiska Waraabka ee deegaanka Soomaalida, Maxamed Faatax, ayaa sheegay in wadajirka bulshada gudaha iyo qurbajoogtu uu yahay mid dardargelinaya horumarka degmada iyo guud ahaan gobolka.

Dhankiisa Kuxigeenka Madaxa Xafiiska Madaxweynaha Cabdirisaaq Sayid ayaa bogaadiyay mashaariicdan isagoo ugu baaqay qurbajoogta iyo maalqabeenadaba inay door weyn ka qaataan horumarka deegaanka.

Maxamed Cabdiraxmaan, Kuxigeenka Madaxa Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee deegaanka oo madasha ku sugnaa ayaa dhankiisa sheegay in qurbajoogta Maamulka Magaalada Shilaabo iyo degmada Caleen ay wadaan dhaqdhaqaaq balaadhan oo ay ku hirgalinayaan mashaariico horumarineed, isagoo uga mahadciyay dadaalkooda kuna dhiirigaliyay inay sii wadaan horumarkan.

Ugu dambayntii, munaasabadda ayaa lagu xusay in mashaariicdan cusub ay kaalin weyn ka qaadan doonaan horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha deegaanka.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015