Tababaro ayaa la siinayaa dhalinyarada soo kacaysa si ay u yeeshaan xirfado ku saabsan Teknolojiyada Garaadka Macmalka ah (AI)—Tamasgan Tirunah - ENA Af-Soomaali
Tababaro ayaa la siinayaa dhalinyarada soo kacaysa si ay u yeeshaan xirfado ku saabsan Teknolojiyada Garaadka Macmalka ah (AI)—Tamasgan Tirunah

Addis Ababa, Kodxin/Maskaram 10/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Itoobiya Tamasgan Tirunah ayaa sheegay in dhalinyarada soo kacaysa la siinayo tababaro si ay u yeeshaan xirfado iyo aqoon ku saabsan Teknolojiyada Garaadka Macmalka ah.
Wuxuu tilmaamay in jiilkan aan loo oggolaan karin in uu seego fursadaha ka jira waqtigan, isla markaana aysan mudnayn in uu dhaxlo colaado iyo dhibaatooyin.
Tamasgan, oo qoraal ku baahiyey boggiisa baraha bulshada, ayaa sheegay inuu ka qeyb galay xafladda qalin-jabinta ardaydii ka qeyb gashay tababarka jiilaalka ee Machadka Garaadka Macmalka ah ee Itoobiya.
Wuxuu xusay in saddexdii sano ee la soo dhaafay, dowladda ay si joogto ah u bixinaysay tababaro lagu kobcinayo fahamka dhalinyarada ee teknoolojiyada, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu dhisayo jiil awood u leh horumarinta dalka iyo la jaanqaadida kacaanka cusub ee caalamka ka socda.
Tababarradan, ayuu yiri, waxaa lagu dhiirrigelinayaa dhalinyarada inay abuuraan fikrado hal-abuur leh oo xal u noqda caqabadaha jira, isla markaana ay u diyaar garoobaan inay noqdaan tartamayaal caalami ah.
Ugu dambayntii. wuxuu uga mahadceliyay hoggaanka Machadka Garaadka Macmalka ah ee Itoobiya doorkooda ku aaddan xaqiijinta hadafkan.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya