Waxaan u midoobeynaa si aan uga fikirno hal dal – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) - ENA Af-Soomaali
Waxaan u midoobeynaa si aan uga fikirno hal dal – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)

Addis Ababa, Kodxin/Maskaram 8/2017 (ENA): “Midnimadeennu ma aha inaan ka fikirno hal maskax, balse waa inaan ka fikirno hal dal,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimada wadajirka.
Waxa uu sheegay in Itoobiya ku filan tahay dhammaan muwaadiniinteeda. Wuxuu intaas ku daray in jidka kaliya ee horumarka qaran uu yahay wadajirka iyo isku-duubnida.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in isku-darka iyo midnimada aysan ka dhignayn in dhammaan la isku feker noqdo, balse ay ka dhigan tahay in la wada fikiro si qaran ahaan loogu horumaro.
Sidoo kale wuxuu caddeeyay in Itoobiya ay leedahay saldhigyo badan oo lagu hirgelin karo riyooyinka iyo himilooyinka qaranka, balse meesha loo socdo iyo jidka lagu gaadhayo si cad loo qeexaa.
Wuxuu carabka ku adkeeyay in “Dowladda Isku-darka” ay tahay hagaha tilmaamaya jidka loo maro si loo xaqiijiyo riyooyinka qaranka, loona gaaro meel la higsanayo.
Isagoo arrintan sii faahfaahinaya ayuu sheegay in mid ka mid ah dariiqyada lagu hirgelin karo himilooyinka uu yahay in gudaha laga eego, ka dibna dibadda loo jeesto.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu tilmaamay in Itoobiya aysan u baahnayn inay dunida u safarto si ay wax uga barato, balse ay tahay inay iyadu dunida wax barto maadaama ay leedahay aqoon iyo khibrad ballaaran oo ay la wadaagi karto.
Wuxuu tusaale u soo qaatay dalal horey u horumaray, isagoon ku booriyay in laga barto waxyaabaha ay guusha ku gaareen, halkii laga xumaan lahaa horumarkooda.
Hase yeeshee, wuxuu ku adkeeyay in wax kasta oo laga barto dalalka kale ay tahay in lagu sifeeyo, lana waafajiyo xaalada gudaha Itoobiya, iyadoo la dhisayo isku darka awood iyo karti qaran.
“Markaan gudaha ka abuurno isku-darka awood iyo karti, waxaan awoodi doonaa inaan sameyno mucjisooyin,” ayuu ku soo gabagabeeyay Ra’iisul Wasaaruhu.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya