Mid ka mid ah jihada xooga la saarayo waa isticmaalka waqtiga – Brof. Birhaanu Nagaa - ENA Af-Soomaali
Mid ka mid ah jihada xooga la saarayo waa isticmaalka waqtiga – Brof. Birhaanu Nagaa

Addis Ababa, Kodxin/Maskaram 6/2017 (ENA): Wasiirka Waxbarashada Itoobiya, Brof. Birhaanu Nagaa, ayaa sheegay in mid ka mid ah jihada lagu saleeyay dib-u-habeynta waxbarashada uu yahay isticmaalka waqtiga si habboon.
Sanadka dugsiyeedka 2018 ayaa maanta si rasmi ah uga bilowday guud ahaan dalka.
Wasiirku waxa uu u sheegay ENA in hawlo dib-u-habeyn ah oo kala duwan laga fulinayo nidaamka waxbarashada.
Waxa uu tilmaamay in waxa cusub ee lagu daray uu yahay hagaajinta waqtiga la bilaabayo iyo lana dhammeynayo waxbarashada, taasoo ah arrin aan hore ugu jirin nidaamka.
Isagoo ka hadlayay furitaanka sanad dugsiyeedka, waxa uu carrabka ku adkeeyay in ardaydu waqtiga casharrada ay leeyihiin si buuxda ugu baahan yihiin in ay bartaan, isla markaana laga rabo inay marka iskuulka la furo si joogto ah casharrada ula socdaan.
Wasiirka ayaa sidoo kale sharaxay in dib u dhaca ku yimid natiijada imtixaanka fasalka 12aad uu sabab u noqday in jaamacaduhu aanay weli bilaabin casharrada, balse laga bilaabo toddobaadka soo socda dhammaan jaamacadaha dowladda ay bilaabi doonaan.
Isagoo la xiriiriyay dib-u-habeynta nidaamka waxbarashada ayuu sheegay in marka waxbarashadu bilaabato aanay jiri doonin “waqti lumis”, islamarkaana ardayda iyo macallimiintu looga baahan yahay inay waqtiga si habboon u maareeyaan.
Ugu dambayntii, wasiirku waxa uu xusay in isticmaalka waqtiga uu ka mid yahay jihada ugu muhiimsan ee dib-u-habeynta waxbarashada.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya