Dalalka Afrika waa inay xoojiyaan dhismaha nidaamka dimuqraadiyadda – Midowga Afrika - ENA Af-Soomaali
Dalalka Afrika waa inay xoojiyaan dhismaha nidaamka dimuqraadiyadda – Midowga Afrika

Addis Ababa, Kodxin/Maskaram 6/2017 (ENA): Guddoomiyaha Komishinka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa ku booriyay dalalka Afrika inay si xooggan uga shaqeeyaan xoojinta dhismaha nidaamka dimuqraadiyadda.
Munaasabadda Caalamiga ah ee Dimuqraadiyadda oo lagu xusay hal-ku-dhigga ah “Fahamka Garaadka Macmalka ah si loo xaqiijiyo maamulka hufan dhammaan heerarka” ayaa maanta la qabtay.
Guddoomiyuhu waxa uu farriintiisa ku sheegay in dimuqraadiyaddu, sarreynta sharciga iyo maamul wanaaggu yihiin tiirarka nabadda, xasilloonida iyo horumarka Afrika. Waxa uu intaas ku daray in Axdiga Dimuqraadiyadda, Doorashooyinka iyo Maamulka ee Afrika uu yahay hannaan hagitaan oo lagula dagaallamo caqabadaha, laguna dhiirrigeliyo ka-qaybgalka muwaadiniinta.
Maxamuud Cali Yuusuf waxa uu xusay in maalintani ay tahay fursad dib loogu milicsado wixii la soo dhaafay isla markaana dalalka Afrika loogu yeedhayo inay si cusub ugu dadaalaan dhismaha dimuqraadiyadda, xoojinta isla xisaabtanka iyo ballaarinta maamul loo dhan yahay.
Midowga Afrika ayaa xaqiijiyay in uu sii wadi doono taageerada uu siiyo waddamada xubnaha ka ah iyo shacabka Afrika si loo xaqiijiyo riyooyinka dimuqraadiyadeed iyo faafinta maamul wanaag.
Maalinta Caalamiga ah ee Dimuqraadiyadda waxaa la bilaabay in si rasmi ah loo xuso tan iyo 2008, iyadoo lagu saleynayo go’aankii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee 2007.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya