Madaxweyne Taaye Asqasilaase ayaa ku booriyay Afrika in ay sii xoojiso hindisaheeda si aysan ugu nuglaan dhibaatada isbedelka cimilada sidoo kalena ay qayb ka noqoto xalinta dhibaatooyinka

Addis Ababa, Kodxin/Maskaram 2/2017 (ENA): Madaxweyne Taaye Asqasilaase ayaa tilmaamay in Afrika aysan kaliya u nuglaan saameynta isbeddelka cimilada, balse sidoo kale laga rabo inay sii xoojiso doorkeeda ku aadan xalinta dhibaatooyinka.

Shirkii caalamiga ahaa ee cimilada (COP 30) ee lagu qabanayo Braasiil, waxaa lagu soo bandhigi doonaa Ajandaha Afrika oo lagu saleeyay “Bayaanka Addis Ababa” kaas oo si guul leh loo meel mariyey.

Shirweynihii labaad ee Afrika ee cimilada, oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa oo ay martigelisay Itoobiya iyo Midowga Afrika, ayaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay.

Madaxweynaha Itoobiya, Taaye Asqasilaase, oo khudbadihii ugu muhiimsanaa shirka ka soo jeediyay ayaa ku nuuxnuuxsaday in Afrika aysan u nuglaanin cawaaqibka ka dhalan kara isbeddelka cimilada, balse ay sii waddo xoojinta hindiseheeda ku aaddan sidii ay qayb uga noqon lahayd xallinta dhibaatada.

Bayaanka Addis Ababa ayaa lagu ansixiyay shirka, kaasoo ay Afrikaanku ka go'an tahay ka hortagga isbeddelka cimilada. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku nuux-nuux saday in Afrika looga fadhiyo inay dhaqangeliso heshiiskan si aan dib u dhac lahayn.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Itoobiya ay sii xoojin doonto wax qabadkeeda dhanka arrimahan, wuxuuna u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka gaysatay qabsoomida shirka.

Bankoli Adooye, Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, oo soo jeediyay farriinta isagoo ku hadlayay magaca Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa sheegay in Afrika ay sii waddo xoojinta iskaashiga si xal loogu helo isbeddelka cimilada.


 

Ka soo qayb galayaasha iyo madaxdii shirka ka soo qayb gashay ayaa aad ugu mahadnaqay sida habsamida leh ee ay Itoobiya u marti galisay shirkii labaad ee cimilada Afrika, kaas oo ay Itoobiya marti galisay, laguna qabtay Addis Ababa iyadoo taageero ka helaysa Midowga Afrika.

Waxaa xusid mudan in shirarkii ka horeeyay ay si guul ah u qabsoomeen dhowr maalmood ka hor shirkii ugu weynaa, waxaana laga soo saaray fikrado lagu dar-dar gelinayo siyaasadda.

Itoobiya waxay sidoo kale muujisay mawqifkeeda iyo waxqabadyada ay samaysay si ay natiijooyin wanaagsan uga gaadho ka hortagga wadajirka ah ee isbeddelka cimilada.

Shirweynaha waxaa sidoo kale lagu qabtay dood ballaaran oo ku saabsan sida xalalka heer qaarad loogu waafajin karo istaraatiijiyadaha aduunka ee cimilada. 

Waxaa sidoo kale la ansixiyey go’aamo badan oo taageeraya dadaallada Afrika ay ku doonayso inay ku yeelato kaalinta ku habboon maamulka cimilada caalamka.

Shirka waxaa ka qaybgalay in ka badan 25,000 oo qof, iyadoo sidoo kale la sheegay in in ka badan 199 kulan oo dhinac ah ay halkaas ka dhaceen.

43 aqoonyahan oo ku takhasusay cilmiga cimilada ayaa soo bandhigay shaqooyinkooda intii lagu jiray bandhig lagu qabtay shirweynaha.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015