Gaambeela: Waxaa lasii xoojin doonaa Nabadda iyo Amniga deegaanka - ENA Af-Soomaali
Gaambeela: Waxaa lasii xoojin doonaa Nabadda iyo Amniga deegaanka

Addis Ababa, Kodxin/Maskaram 2/2017 (ENA): Madaxweynaha Deegaanka Gaambeela, Alemitu Umud, ayaa sheegtay in howlgallada lagu xoojinayo nidaamka amniga si nabadda deegaanka loo xaqiijiyo ay sii socon doonaan.
Maanta, xubno ka tirsan ciidanka booliiska ee tababarka loo soo geeyay xarunta tababarka Bonga ayaa la geeyay dregaanka si loo xaqiijiyo amniga deegaanka.
Alemitu Umud ayaa intaa ku dartay in hawlgalladan ay qayb ka yihiin dadaallada horumarinta iyo kor u qaadidda hufnaanta dowladda, isla markaana lagu ilaalinayo nabadda deegaanka.
Hawlgalka waxaa sidoo kale diiradda lagu saarayaa ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xuquuqda dimuqraadiyadda, iyadoo la fulinayo howlo guul leh oo bulshada u adeegaya.
Madax Xafiiska Nabaddgalyada iyo Amniga, Mr. Mahber Kor, ayaa xaqiijiyay in howlgalkan uu kor u qaadayo nabadda deegaanka, isla markaana la shaqeynayo bulshada si hufan, iyadoo tababarka xubnaha booliiska uu sare u qaadayo awoodooda ilaalinta nabadda.
Xubnaha booliiska ee maanta tababarka ka qayb qaatay ayaa saddex bilood ku qaatay casharro ku saabsan sharciga, xuquuqda aadanaha, iyo cilmiga aasaasiga ah ee booliiska, taasoo kordhinaysa kartidooda iyo waxtarkooda shaqo.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya