Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya ayaa xoojinaya iskaashiga gobolka – Safiirka Jarmalka ee Itoobiya Dr. Ferdinand Fon Waehe - ENA Af-Soomaali
Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya ayaa xoojinaya iskaashiga gobolka – Safiirka Jarmalka ee Itoobiya Dr. Ferdinand Fon Waehe

Addis Ababa, Kodxin/Maskaram 2/2017 (ENA): Safiirka Jarmalka ee Itoobiya, Dr. Ferdinand Fon Waehe, ayaa sheegay in dhammeystirka Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya uu leeyahay awood weyn oo uu ku horumarin karo wadamada deriska ah isla markaana xoojinayo iskaashiga.
Safiirku wuxuu intaa ku daray in Itoobiya ay tahay dal soo jiita maalgashi toos ah oo dibadda ah, taasoo muujineysa fursadaha dhaqaale ee dalka.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed, ayaa si rasmi ah biyo-xidheenka u daahfuray 4-ka Baagumen 2017, taasoo calaamad u ah dhammeystirka mashruuca muhiimka ah.
Safiirka Jarmalka ayaa xusay in biyo-xidheenku uusan faa’iido u lahayn Itoobiya oo keliya, balse sidoo kale uu kaalin muuqata ka qaadan doono horumarinta waddamada deriska ah, isagoo adeegsanaya tamarta korontada ee ka dhalanaysa biyo-xidheenka.
Waxaa sidoo kale la tilmaamay in biyo-xidheenku leeyahay awood sare oo koronto dhalin ah, taasoo u saamaxaysa wadamada deriska ah in ay ka faa’iidaystaan tamarta laga helayo, isla markaana ay xoojiyaan iskaashiga dhaqaale.
Safiirku wuxuu bogaadiyay iskaashiga Itoobiya iyo Jarmalka ee dhinacyada tamarta cusub sida qoraxda iyo ilo kale oo tamar ah, isagoo sheegay in isbeddelada dhaqaale ee Itoobiya ay fursad weyn u yihiin maalgashiga dibadda.
Safiirku wuxuu kaloo xusay in horumarinta sharci, helitaanka awood shaqaale badan iyo xaalado kale oo wanaagsan ay fursad u siinayaan maal-gashadayaasha inay ka qayb qaataan kobcinta dhaqaalaha dalka.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya