Komishinka Dab-damiska ee Magaalada Addis Ababa waxay xaqiijiyeen in munaasabada sanadka cusub aysan wax dab dhac ah dhicin

Addis Ababa, Kodxin/Maskaram 2/2017 (ENA): Komishinka Dab-damiska ee Magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in munaasabada sannadka cusub ee 2018 si nabad ah loo xusay, iyada oo aan wax dab ah dhicin.

Nugatu Maamo oo ah khabiir Xiriirka Dadweynaha, ayaa sheegay in munaasabada sannadka cusub ay ku soo idlaatay nabadgelyo, iyada oo aan wax khatarama shilal ah dhicin.

Komishinka ayaa tilmaamay in ay ka shaqeeyeen wacyigelin iyo talaabooyin kala duwan oo looga hortagayo shilalka, taas oo ka caawisay bulshada in munaasabadu ku soo idlaato nabad. Dadkii wacyigelinta ka qayb galay waxay si taxaddar leh u raaceen tilmaamaha komishinka, taasoo keentay in munaasabada lagu soo gabagabeeyo nabad.

Waxaa xusid mudan in habeenkii munaasabada, dab ka kacay Degmada 10-aad xaafada Bihere Sige ee magaalo hoosaadka Nifaas Silk Laafto ay si dhaqso ah u gaareen kooxaha gurmadka, dabka si degdeg ahna loogu xakameeyay, iyadoo aanay fidin.

Ma jirin wax dhaawac ah oo gaadhay dadweynaha, halka khasaare yar oo hantiyeed uu dhacay. Komishinku wuxuu ku bogaadiyay bulshada sida ay uga qeyb qaateen ilaalinta nabadgelyada, wuxuuna ku booriyay in hab-dhaqankan taxaddarka ah loo sii wado xafladaha soo socda iyo hawlaha caadiga ah.

Komishinka Dab-damiska ee Magaalada Addis Ababa wuxuu intaas ku daray in diyaar garowga munaasabadaha soo socda sida tan Masiixiga iyo Ireejaaga la hubiyo, si aanay wax shil ama dab ah u dhicin. Waxa kale oo la xusay in bulshada ay si joogto ah u wacyigelinayaan, gaar ahaan marka ay isticmaalayaan qalabka korontada iyo agabka kale ee dabka halista u keeni kara.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015