Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya wuxuu door muhiim ah ka leeyahay xoojinta xiriirka gobolka – Lawrens Freeman - ENA Af-Soomaali
Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya wuxuu door muhiim ah ka leeyahay xoojinta xiriirka gobolka – Lawrens Freeman

Addis Ababa, Kodxin/Maskaram 2/2017 (ENA): Lawrens Freeman, oo ah falanqeeye Mareykan ah oo ku takhasusay siyaasadda iyo dhaqaalaha, ayaa sheegay in Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya (GERD) uu leeyahay door istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga gobolka, maadaama uu faa’iido u leeyahay dalalka dariska ah oo dhan.
Xusuus waxaa mudan in Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya si rasmi ah loo soo gabagabeeyay 4tii Baagume 2017 ayagoo uu hogaaminayay daahfurka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.).
Isagoo la hadlayay wakaaladda wararka ENA, Freeman wuxuu tilmaamay in guusha dhismaha iyo dhamaystirka mashruucan oo ah kan ugu weyn Afrika ee dhaliya koronto uu tusaale fiican u yahay awoodda Afrika inay wax weyn ka qabato horumarkeeda.
Biyo-xidheenku wuxuu awood u leeyahay inuu dhaliyo 5,150 megawatt oo koronto ah, taas oo ka dhigaysa Itoobiya in ay hesho awood dheeraad ah isla markaana ay koronto u dhoofiso dalalka deriska, taas oo kor u qaadaysa dhaqaalaha.
Freeman wuxuu caddeeyay in mashruucan aanu waxyeelo ku keenaynin waddamada uu wabigu maro sida Masar iyo Suudaan, maadaama biyuhu si dabiici ah u sii qulqulayaan iyada oo aan la hor istaagin socodkooda. Wuxuu intaas ku daray in ujeeddada biyo-xidheenku aysan ahayn in biyaha lagu hayo gudaha Itoobiya, balse koronto laga dhaliyo iyadoo qulqulka biyaha la ilaalinayo.
Sidoo kale wuxuu sheegay in biyo-xidheenka uu tusaale u yahay sida bani’aadamku uu ugu adeegsan karo dabeecadda horumar iyo dan guud. Isaga oo sheegay inuu laba jeer ku soo booqday biyo-xidheenka, wuxuu ku booriyay Afrikaan iyo Reer Yurubba in ay yimaadaan si ay ugu kuurgalaan mashruucan cajiibka ah.
#Muuqaalka_Itoobiya #Tusaalaha_Iskaashiga #Riyada_Qarniga #Hadiyadda_Jiilka_Cusub #Xarragada_Waddaninimada #Iftiinka_Rajada #Aasaaska_Koboca #Dhaxalka_Taariikhiga_Ah
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya