Waxaan ka faa’iidaysanay khibradda horumarinta beeraha Itoobiya, gaar ahaan habka wax-soo-saarka bunka— Russell Miso Dlamini

Addis Ababa, Kodxin/Maskaram 2/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Eswatini Russell Miso Dlamini ayaa sheegay in dalkiisu uu ka helay khibrad qiimo leh horumarinta beeraha Itoobiya, gaar ahaan geeddi-socodka wax-soo-saarka bunka.

Ra’iisul Wasaaruhu waxaa uu booqday mashaariicda horumarinta beeraha ee ka socda gobolka Jimma, horumarinta magaalada Jimma iyo qasriga Abba Jifar, waxaana goob-joog ahaa Wasiirka Beeraha Itoobiya Addisu Araga.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Eswatini ayaa kulan la yeeshay beeralayda ka shaqeeya wax-soo-saarka bunka gobolka Jimma ee suuqyada caalamiga ah u dhoofiya. Intii uu ku sugnaa degmada Manaa, waxa uu soo arkay mashaariicda bunka iyo soo saarista malabka.

Ka dib booqashadiisa, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu tilmaamay in Itoobiya ay waddo mashaariic horumarineed oo qiime leh oo ay wadamada kale ka baran karaan. Waxa uu si gaar ah u muujiyay in ka sokow bunka, uu sidoo kale arkay beeraha galleyda oo si ballaaran looga shaqeynayo.

Dhankiisa, Wasiirka Beeraha ddisu Araga ayaa sheegay in Itoobiya ay ka shaqeyneyso mashaariic horumarineed oo ballaaran oo tusaale wanaagsan u noqon kara wadamada kale. Waxa kale oo uu xusay in iskaashiga iyo is-dhaafsiga khibradaha beeraha ee Itoobiya iyo Eswatini uu sii socon doono.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_ItoobiyaWaxaan ka faa’iidaysanay khibradda horumarinta beeraha Itoobiya, gaar ahaan habka wax-soo-saarka bunka— Russell Miso Dlamini

Wakaalada Warka Itoobiya
2015