Afrika ayaa noqotay hormuud xalinta caqabadaha cimilada adduunka – Bayaanka wadajirka ah ee Itoobiya iyo Midowga Afrika - ENA Af-Soomaali
Afrika ayaa noqotay hormuud xalinta caqabadaha cimilada adduunka – Bayaanka wadajirka ah ee Itoobiya iyo Midowga Afrika

Addis Ababa, Kodxin/Maskaram 2/2017 (ENA): Shirkii labaad ee Cimilada Afrika ayaa muujiyay in Afrika aysan kaliya ahayn qaarad dhibbane u ah isbeddelka cimilada, balse ay noqotay hormuud xal u helka caqabadaha cimilada caalamka. Tani waxaa lagu caddeeyay bayaanka wadajirka ah ee Itoobiya iyo Midowga Afrika ay soo saareen.
Shirka oo Addis Ababa ka dhacay intii u dhaxaysay 3–5 Baagume 2017 ayaa ku dhamaaday iyadoo la ansixiyay “Go’aanka Addis Ababa,” kaas oo ah cod mideysan oo Afrika ka socda. Waxa kale oo lagu daahfuray hindisayaal muhiim ah sida “ Heshiiska Hal-abuurka Cimilada Afrika iyo Hay’adda Cimilada Afrika,” kuwaas oo lagu qorsheeyay in sannad kasta $50 bilyan loo ururiyo xalalka isbeddelka cimilada ee dalalka.
Bayaanka waxa uu iftiimiyay in shirka ay ka qayb galeen madaxda Afrika iyo maalgeliyeyaal caalami ah, iyadoo la ballanqaaday balaayiin doolar oo taageero ah. Tusaale ahaan, Denmark waxay ku deeqday $79 milyan oo loogu talagalay isbeddelka beeraha, halka Talyaanigu ballan qaaday $4.2 bilyan oo 70% ka mid ah Afrika loo qoondeyn doono. Sidoo kale, Bangiga Horumarinta Afrika iyo Afreximbank ayaa ballan qaaday $100 bilyan oo lagu maalgelinayo warshadaha cagaaran ee Afrika.
Intii shirka socday, waxaa sidoo kale lagu muujiyay in Afrika ay dooneyso in saamigeeda maalgelinta tamarta dib loo cusboonaysiin karo ee caalamka laga kordhiyo 2% ilaa 20% marka la gaaro 2030. Qorshayaal lagu xoojinayo maareynta khayraadka cagaaran iyo helitaanka tamar nadiif ah ayaa sidoo kale qayb ka ahaa ajandaha.
Shirka Addis Ababa waxa uu kusoo beegmay xilli Afrika ay isu diyaarinayso COP30 ee ka dhici doonta Brazil. Bayaanka wadajirka ah ayaa sheegay in go’aanka Addis Ababa uu sii xoojinayo doorka Afrika ee hoggaaminta caalamka ee la dagaalanka isbeddelka cimilada iyo dhiirrigelinta horumar cagaaran.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya