Masuuliyiin heer deegaan ah iyo maamulka gobolka Qorraxey ayaa soo kormeeray mashaariicaha laga wado degmada Caleen

Addis Ababa, Kodxin/Maskaram 1/2017 (ENA): Masuuliyiintan heer deegaan oo todobaadkan kormeer shaqo ku marayay degmooyinka gobolka Qorraxey ayaa gaadhay degmada Caleen, waxaana horkacayay Maareeyaha Shirkada Dabagalka Daraasaadka iyo Nashqadaynta DDS Inj. Maxamed Mukhtaar, Maareeyaha Kulliyadda Caafimaadka Jigjiga Dr. Cabdixamiid Cusmaan oo ay ku wehelinayeen maamulka gobolka Qorraxey.


 

Masuuliyiintan ayaa soo kormeeray mashaariico lagu fuliyay ka qeybgal bulsho kuwaasi oo isugu jiro waddo cusub oo lagu dhisay isku tashi shacab iyo xarun caafimaad. 


 

Intaasi kadib ayaa waxay kulan la yeesheen odayaasha dhaqanka ee degmada Caleen oo ah mid ka mid ah degmooyinka sanadkan soo galay qaabdhismeedka dawladda

Odayaasha ayaa ballanqaaday inay ka shaqaynayaan nabadgelyada, horumarka iyo dhismaha degmada cusub.

#Itoobiya  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015