Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa dalalkoodii dib ugu laabtay

Addis Ababa, Baagume 5/2017 (ENA): Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirkii labaad ee Afrika ee Cimilada iyo xafladdii furitaanka Biyo-xidheenka Weyn ee Horumarinta Itoobiya ayaa booqashadoodii guusha lahayd soo afmeeray, iyaga oo dib ugu laabtay dalalkooda.


 

Madaxweynayaasha waxaa lagu sagootiyey garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Bole, gaar ahaan qolkii martida sharafta leh, halkaas oo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya Danjire Berhanu Tsegaye si rasmi ah u sagootiyay.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015