Hambalyo sanadka cusub - ENA Af-Soomaali
Hambalyo sanadka cusub

Marka Itoobiya ay gaadhay heer cusub oo taariikhi ah oo ku saabsan midaynteeda iyo dhamaystirka biyo-xidheenka weyn ee Hiddasé, waxaan idin leeyahay sanad cusub wanaagsan.
Sanadkii hore wuxuu ahaa sanad guul iyo barako ah. Waxaa horumar laga gaadhay beeraha, dalxiiska, macdanta, wax-soo-saarka iyo ICT-ga. Dhismaha biyo-xidheenka waa markhaati muujinaya waxa dadaal iyo midnimo lagu gaadhi karo.
Dhammaystirka mashruucan wuxuu la mid yahay waqti dhalmo adag oo tijaabooyin badan la soo maray, balse iyadoo ay jirto adkaysiga shacabka, go’aan-qaadashada shaqaalaha, iyo allabaryo badan, waxaa suurto gashay in la dhammaystiro.
Isbeddelkan ma aha oo kaliya mid ku kooban beddelka sanadka, balse waa mid beddelay taariikhda, muuqaalka, sumcadda iyo kaalinta Itoobiya ee gobolka iyo caalamkaba. Biyo-xidheenku waa bilow safar dheer oo horumar ah, mana aha meel-dhamaad.
Shacabka Itoobiya meel kasta oo ay joogaan waa inay xooggooda, maskaxdooda iyo aqoontooda u huraan dalka, si loo dhiso mustaqbal barwaaqo leh. Taariikhda waxay muujisay in waxa wax beddela uu yahay shaqo iyo dadaal.
Iyada oo ay taageereen muwaadiniinta, dalalka saaxiibada ah iyo dadka wax ku biiriyay lacag, aqoon, xoog iyo xirfad, magacyadooda waxaa lagu qoray taariikhda iyo biyo-xidheenka. Guushan waa natiijo wadajir, midnimo iyo isku-duubni.
Waxaan rumaysanahay in sanadka cusub uu sii adkayn doono midaynta iyo dib-u-soo-kicidda Itoobiya, isla markaana uu ka dhigi doono mid kasii xoog badan oo qiime badan.
Sanad cusub wanaagsan ha idin ku darsamo, barwaaqo iyo sharafna ha ku waarto Itoobiya iyo shacabkaheeda.
Itoobiya ha noolaato weligeed!
Ilaahay ha barakeeyo Itoobiya iyo ummadeeda.
Taariikh: Baagumen 5, 2017