Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya waa astaanta taariikhdeena iyo mashruuc Itoobiya u horseedi doona guul – Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka

Addis Ababa, Baagume 4/2017 (ENA): Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa sheegtay in Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya (GERD) uu yahay mashruuc ka tarjumaya taariikhda dhibaatooyinka dalku soo maray isla markaana Itoobiya u qaadi doona heer sare oo horumar ah.

Qoraal ay soo saareen ayay ku tilmaameen dhamaystirka biyo-xidheenka guul taariikhi ah oo mustaqbalka lagu xusuusan doono, iyagoo shacabka Itoobiya ugu hambalyeeyay kaalintooda weyn.

Waxay xuseen in Itoobiya ay awoodday inay ka baxdo cadaadis, cunaqabatayn iyo diidmo caalami ah oo ka hor taagnaa dhismaha biyo-xidheenka, iyadoo aan wax deyn ah helin ku dhistay dhaqaale iyo xoog shacabka.

Hay’addu waxay carrabka ku adkaysay inay iyadu door muuqda ka qaadatay ilaalinta mashruuca, xog ururinta, ka hortagga khataraha, la tacaalidda dagaalka maskaxda iyo cadaadiska diblomaasiyadeed, iyadoo intaas ku dartay in shaqaalaheeda oo dhan ay si toos ah uga qayb qaateen maalgelinta iyo taageerada biyo-xidheenka, xitaa qaar nafahooda ku waayeen difaaca mashruuca.

Waxay intaas ku dareen in taageerada shacabka oo dhan ee heerar kala duwan lagu muujiyey ay ahayd mid taariikhi ah oo horseeday in mashruucu guul ku dhammaado, halka hoggaanka Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed lagu ammaanay sida uu go’aan adag iyo hoggaan joogto ah ugu hogaamiyay ilaa uu mashruucu ka gaaro heerkiisa dhammaystirka.

#AstaantaItoobiya #TusaalahaIskaashiga #HimiladaJiilasha #HadiyaddaJiilkaCusub #IftiinkaRajada #XidhiidhkaAfrika
#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015