War-saxafadeed kusaabsan biya-xidheenka weyn ee Itoobiya - ENA Af-Soomaali
War-saxafadeed kusaabsan biya-xidheenka weyn ee Itoobiya

Xoogga wadajirka ee taariikhdeenna iyo siyaasaddeennu waa mucjiso!
Biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya –– waa mucjiso awooddeena ku dhisnay. Waxaa dhisay muwaadininta sharafta leh ee Itoobiya iyagoo uu huray xooggooda, maalkooda, aqoontooda iyo dhiiggooda.
Laga bilaabo maanta, Itoobiya ma aha oo kaliya daawade ka faa’iidaysiga khayraadkeeda dabiiciga ah, ee waa isticmaalaha xaqa u leh.
Itoobiya waxa hadda ay yeelatay biyo-xidheenka ugu weyn Afrika,
Webiga ugu dheer adduunka ee dhexmara dhulka la yaabka leh, ma jirin awood dhuleed oo ka hor istaagi karaysay Itoobiyaanka in ay hirgeliyaan riyooyinkooda, mana jiri doonto.
Biyo-xidheenka wabiga Abay waa goob ay ka muuqatay awoodda qarsoon ee horumarka Itoobiya, waa markhaati cad oo muujiyey dhacdo taariikhi ah oo beddeli kara siyaasadda iyo taariikhda dunida.
Qarnigii 19-aad, Itoobiyaanku waxay soo dhaafeen dhibaatooyin dabiici iyo kuwa bani’aadam sameeyey, waxayna dunida u iftiimiyeen halgankii xorriyadda iyagoo guushii Adwa keenay. Guushaas waxay ahayd guul taariikheed oo kala qaybiyey “Ka hor Adwa” iyo “Kadib Adhwa”.
Haddana, qarnigii 21-aad, Itoobiyaanku waxay dhiseen Adwa cusub – Biyo-xidheenka Abay. Guusha lagu gaadhay isticmaalka caddaaladda ku dhisan ee biyaha waxaa lagu tilmaami karaa “Ka hor Hidase iyo Kadib Hidase”:
Siyaasadda Afrika ka hor iyo kadib Hidase,
Diplomaasiyadda caalamka ka hor iyo kadib Hidhaase. Tani waa guul u wada dhalatay dhammaan Itoobiyaanka iyo jiilka soo socda.
Biyo-xidheenku Abay wuxuu beddelay sheekadii la oran jiray “Itoobiyaanku ma karaan” oo ka dhigtay “Itoobiyaanku way karaan.” Inkasta oo ay jireen khilaaf gudaha ah, cadaadis caalami ah iyo xusuusta gumaysi hore, haddana waxaa lagu guuleystay – Hidase waa guul aan laga hor istaagin.
Biyo-xidheenka Abay waa astaan muujinaysa awoodda horumarineed ee Itoobiya iyo kalsoonida Afrikaanimada. Waa mashaariic tamar-nadiif ah oo taageero mudan, balse Itoobiyaanku iyagaa ku guuleystay dadaalkooda midaysan.
Biyo-xidheenka Abay ma aha oo keliya tamar koronto; waa isha kaluumaysiga, waa fursad dalxiis, waa cashar caddaalad loo wada leeyahay. Biyo-xidheenka Abay waa difaac ka hortaga fatahaadaha hoos u socda, waa hubinta in biyaha la keydiyo, loona helo biyo joogto ah sannadka oo dhan, waa badbaadada in biyo-xidheenada dalalka kale aysan burburin.
In biyo-xidheen sidan faa’iido u leh la taageero waa wax qumman. Laakiin, taariikhda cadowgeenna waxay muuqatay, iyagoo rabay inay naga hor istaagaan isticmaalka, halkii ay ka garab istaagi lahaayeen dadkooda. Weli, ma aysan joojin – waxay dib u dhigeen, balse guusheenna kama hor istaagin.
Itoobiyaanku waa dad sharaf leh oo leh damiir iyo bini’aadannimo. Ma lihin ujeedo in aan waxyeelleyno dalalka kale. Webiga uu Eebbe wada bixiyey ma ahan in mid keliya isticmaalo oo waxyeelleeyo kuwa kale. Sida cadowgii badda naga soo weeraray aan ku difaacnay dalkeenna sharafta leh, si la mid ah ayaan uga difaacaynaa cadowga doonaya inuu naga hor istaago xuquuqda dabiiciga ah.
Waxaan rabnaa shacabka dalalka hoose inay ogaadaan: Biyo-xidheenka Abay ma ahan mid iyaga khasaaro u gaysanaya, waa wax iyaga iyo innagaba faa’iido noo leh. Laakiin ma jiro awood dhuleed oo awood u leh inay ka hor istaagto horumarkeenna, madaxbannaanideenna iyo isticmaalka khayraadkeenna dabiiciga ah. Hidase waa markhaatiga mucjisadeenna.
Wadajir baan ku guuleysanay, welina waan awoodnaa!
Hambalyo dhammaan Itoobiyaanka iyo asxaabta Itoobiya!
Bagume 4/2017
Xafiiska Warfaafinta Deegaanka Soomaalida