Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya waa mashruuc Afrikaan – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle - ENA Af-Soomaali
Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya waa mashruuc Afrikaan – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle

Addis Ababa, Baagume 4/2017 (ENA): Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya (GERD) uu yahay mashruuc Afrikaan, ma aha oo keliya mid Itoobiyaan.
Mashruucan oo lagu dhisay maalgelin, shaqo iyo dhiig uu bixiyey shacabka Itoobiya ayaa maanta si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.).
Ismaaciil Cumar Geelle oo ka qayb galay xafladda furitaanka ayaa sheegay in Biyo-xidheenkan uu yahay astaan weyn oo Afrika leedahay, isla markaana uu ka mid yahay mashaariicda waaweyn ee dunida ka yaabiyey.
Wuxuu xusay in guusha mashruucan aysan Itoobiya oo keliya gaarin, balse ay tahay guul guud oo ay wada leeyihiin dhammaan saaxiibada iyo deriska Itoobiya, isagoo ku tilmaamay mid mudan ammaan iyo bogaadin gaar ah.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa intaas ku daray in dhamaystirka mashruucu uu farxad guud ku noqday, isla markaana shaqada iyo xirfadda injineerada Itoobiyaanku ku dhiseen ay tahay mid u qalanta in si gaar ah loo ammaano.
#AstaantaItoobiya #TusaalahaIskaashiga #HimiladaJiilasha #HadiyaddaJiilkaCusub #IftiinkaRajada #AstaantaAfrika
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya