Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya Waa Riyo Itoobiyaan oo rumowday – Maareeyaha Guud ee shirkadda Talyaaniga ah ee Webuild Group, Bietro Salini

Addis Ababa, Baagume 4/2017 (ENA): Maareeyaha Guud ee shirkadda Talyaaniga ah ee Webuild Group, Bietro Salini, ayaa sheegay in Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya (GERD) uu yahay riyo Itoobiyaan oo rumowday.

Biyo-xidheenkan oo maanta si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) ayaa lagu tilmaamay mashruuc soo maray caqabado iyo tijaabooyin badan, balse maanta u muuqda mid si guul leh loo dhammaystiray.

Wuxuu xusay in Biyo-xidheenku maanta yahay mashruuc awood u leh inuu biyo ku kaydiyo heer ku filan iyo inuu soo saaro koronto ku faafaysa Itoobiya oo dhan, taas oo ka dhigan in in ka badan 35 milyan oo qof koronto heli doonaan, isla markaana awoodda tamarta Itoobiya saddex laab noqoto.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in Itoobiya ay awoodi doonto inay koronto u iibiso dalalka deriska ah, taas oo xoojin doonta iskaashiga gobolka iyo nabadda waarta.

Salini wuxuu carrabka ku adkeeyay in mashruucan uu ahaa mid lagu muujiyey karti, adkaysi, iyo anshax shaqo, isla markaana kumannaan Itoobiyaan ah ay ka heleen aqoon, tababar farsamo iyo horumar xirfadeed.

Wuxuu ku daray in shaqaalaha, injineerada, farsamayaqaannada iyo dhammaan dadkii gacanta ka geystay ay mudan yihiin mahadnaq weyn, maadaama ay ka dhigeen mashruucan astaan iftiin iyo rajo u ah jiilasha soo socda.

#AstaantaItoobiya #TusaalahaIskaashiga #HimiladaJiilasha #HadiyaddaJiilkaCusub #IftiinkaRajada #XidhiidhkaAfrika
#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015