Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya waxa uu xoojiyey doorka dalka ee horumarinta qaaradda – Muhaamud Cali Yuusuf

Addis Ababa, Baagume 4/2017 (ENA): Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxaamuud Cali Yuusuf, ayaa sheegay in Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya (GERD), oo maanta la dhammeystiray oo loo sameeyay xaflad furitaan, uu astaan u yahay dadaal jiilal badan oo isku duuban, isla markaana uu iftiin u noqon doono Itoobiya iyo dalalka dariska ah.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) ayaa maanta si rasmi ah u furay mashruucan taariikhiga ah. Maxamuud Cali Yuusuf, oo ka hadlay xafladda, ayaa shacabka Itoobiya ugu hambalyeeyey, isagoo sheegay in mashruucu guul weyn u yahay dalka oo muujinaya taariikh cusub.

Wuxuu xusay in dhismaha mashruucan uu soo maray marxalado adag iyo caqabado badan, balse hoggaanka xikmadda iyo kartida leh ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu horseeday in si guul leh loo dhammeeyo.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in mashruucan guushiisu ay la jaanqaadaysa ajandayaasha horumarinta Qaaradda Afrika, gaar ahaan dhisidda dhaqaalaha cagaaran ee waara oo aan waxyeello u geysan deegaanka, taas oo Itoobiya iyo gobolka oo dhan u horseedi doonta faa’iidooyin badan.

Isagoo tusaale u soo qaatay wadashaqeynta waddamada Senegal, Mali iyo Muritaaniya ee ku aaddan webiga Senegal, ayuu ku tilmaamay GERD inuu yahay tusaale wanaagsan oo muujinaya sida biyaha loogu wadaagi karo si nabad ah, iyadoo dal kastaa dhibaatooyinkiisa isku maareynayo.

#AstaantaItoobiya #TusaalahaIskaashiga #HimiladaJiilasha #HadiyaddaJiilkaCusub #IftiinkaRajada #AstaantaAfrika
#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015