Midnimada iyo iskaashiga lagu arkay dhismaha Biyo-xidheenka waa in lagu sii adkeeyo mashruucyada kale ee horumarinta qaranka – Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Itoobiya Xaylemaaryam Dhasaalany

Addis Ababa, Baagume 4/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Xaylemaaryam Dhasaalany ayaa sheegay in midnimada iyo iskaashiga shacabka Itoobiya lagu muujiyey dhismaha Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya (GERD) ay tahay in lagu sii adkeeyo mashruucyada kale ee horumarinta qaranka.

Biyo-xidheenkan oo maanta si rasmi ah loo furay ayaa lagu dhisay dhaqaale, dadaal iyo dhiig ay bixiyeen shacabka Itoobiya, waxaana xafladda furitaanka hogaamiyey Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.).

Xaylemaaryam Dhasaalany oo ka qayb galay xafladda ayaa shacabka Itoobiya ugu hambalyeeyey guushan weyn, isagoo sheegay in dhammaystirka mashruucu uu yahay farxad guud oo laga wada dhargay.

Wuxuu xusay in midnimada iyo wadajirka lagu dhisay biyo-xidheenkan aan lagu ekaan, balse loo baahan yahay in lagu dabaqo dhammaan mashaariicda horumarinta qaranka.

Xaylemaaryam ayaa ku tilmaamay GERD inuu yahay astaan taariikhi ah oo muujinaysa awoodda shacabka Itoobiya iyo sida ay isku duuban ugu dhisan karaan mustaqbalkooda.

#AstaantaItoobiya #TusaalahaIskaashiga #HimiladaJiilasha #HadiyaddaJiilkaCusub #IftiinkaRajada #AstaantaAfrika
#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015