Iskaashiga joogtada ah ayaa muhiim u ah horumarkeena wadajirka ah – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud - ENA Af-Soomaali
Iskaashiga joogtada ah ayaa muhiim u ah horumarkeena wadajirka ah – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Addis Ababa, Baagume 4/2017 (ENA): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in horumarka guud ee aynu wadaagno uu u baahan yahay iskaashi joogto ah oo dhexmara dalalka dariska ah.
Madaxweynaha oo ka qayb galay xafladda xidhitaanka Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya (GERD) oo uu maanta si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) ayaa shacabka Itoobiya ugu hambalyeeyey guushan taariikhiga ah.
Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay dhammaystirka mashruucu inuu yahay guul muhiim ah oo dhiirrigelin u noqon doonta jiilasha dambe iyo horumarka gobolka oo dhan. Wuxuu intaas ku daray in GERD uu ka baxsan yahay oo keliya dhismaha biyo-xidheen, balse uu yahay mashruuc leh saameyn ballaaran oo taabanaya mustaqbalka gobolka.
Madaxweynuhu wuxuu caddeeyey in danaha Soomaaliya ay si dhow ugu xiran yihiin iskaashiga, horumarka iyo nabadda deriska. Wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in guusha Itoobiya ay tusaale u tahay dadaalka iyo awoodda shacabka marka ay ku kalsoonaadaan kartidooda.
Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in mashruuca GERD uu noqday dhiirrigelin iyo hal-abuur ay dalalka gobolka ka faa’iidaysan karaan, isagoo ku booriyey in la xoojiyo iskaashiga si loo abuuro mustaqbal ifaya.
#AstaantaIskaashiga #HimiladaJiilasha #HadiyaddaJiilkaCusub #IftiinkaRajada #AstaantaAfrika
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya