Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya waa shaqo weyn oo muujisay awoodda iyo kartida dadka Afrikaanka ah – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)

Addis Ababa, Baagume 4/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa sheegay in Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya uu yahay shaqo weyn oo muujisay awoodda iyo wax-qabadka dadka madow.

Munaasabadda xafladda furitaanka oo maanta, Bagume 4, 2017, lagu qabtay Guba ayaa lagu shaaciyey in mashruuca taariikhiga ah ee muujinaya midnimada dadka Itoobiya uu dhammaaday.

Xafladda waxaa ka soo qayb galay madax badan oo caalami ah, oo ay ka mid yihiin: Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir Mayardit, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Kenya Williyam Ruuto, Ra’iisul Wasaaraha Barbados Miya Mottley, Ra’iisul Wasaaraha Eswatini Miso Dlamini, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf, iyo mas’uuliyiin kale oo sar sare.

Ra’iisul Wasaare Abiy oo khudbad ka jeediyey xafladda ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Itoobiya, isagoo sheegay in dadka Itoobiya ay dhiseen taariikh cusub oo lagu faano. Wuxuu xusay in mashruucan aanu u ahayn Itoobiya oo keliya, balse uu yahay taariikh la wada leeyahay dhammaan dadka madow.

Wuxuu intaas ku daray in Abaay oo hore u ahaa wax laga sheekeeyo oo keliya, uu maanta isagu noqday mid hadlaya, taasna ay sabab u tahay mashruucan.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carrabka ku adkeeyey in mashruucan uu yahay calaamad muujinaysa waxa madowgu qaban karaan, wuxuuna tilmaamay in shan sano gudahood 74 tirilyan oo litir biyo ah lagu keydiyey biyo-xidheenka. Wuxuu ku sifeeyey biyo-xidheenka in uu yahay ilayska berri iyo ka bixitaanka mugdiga taariikhiga ah ee Itoobiya.

Wuxuu sheegay in Itoobiya aanay biyo-xidheenka u dhisin si ay waxyeello ugu gaysato waddamada hoose ee webiga ka faa’iideysta, balse ay ugu talagashay in ay kor u qaaddo horumarka gobolka, iftiinka deegaanka, iyo beddelidda taariikhda dadka madow.

Ugu dambayn wuxuu shacabka madow ee caalamka ku booriyey in ay yimaadaan oo ay booqdaan biyo-xidheenkan, maadaama uu yahay marqaati muujinaya waxa ay awoodaan in ay qabtaan.

#Muuqaalka_Itoobiya #Tusaalaha_Iskaashiga #Riyada_Qarniga #Hadiyadda_Jiilka_Cusub #Xarragada_Wadarteena #Iftiinka_Rajada #Asaaska_Sareenimada #Halganka_Jiilka #Iftiinka_Mustaqbalka #Muuqaalka_Itoobiyawiinta #Guusha_Afrika
#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015