Biyo-xidheenka Weyn ee Horumarka Itoobiya waa astaan mideysan iyo naf-hurnimo – Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir Mayardit - ENA Af-Soomaali
Biyo-xidheenka Weyn ee Horumarka Itoobiya waa astaan mideysan iyo naf-hurnimo – Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir Mayardit

Addis Ababa, Baagume
4/2017 (ENA): Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir Mayardit ayaa sheegay in Biyo-xidheenka Weyn ee Horumarka Itoobiya (GERD) uu yahay astaan ka turjumaysa midnimo iyo naf-hurnimo.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa si rasmi ah u furay biyo-xidheenka weyn.
Madaxweynaha Koonfurta Suudaan, oo ka hadlay munaasabadda, ayaa ku sheegay in isaga oo ku hadlaya magaca dowladda iyo shacabka Koonfurta Suudaan uu u mahadcelinayo fursadda uu ku joogay maalintan taariikhiga ah. Wuxuuna shacabka Itoobiya ugu hambalyeeyay guushan.
Madaxweyne Salva Kiir wuxuu ku adkeeyay in mashruucan uusan ku koobnayn dhanka horumarinta kaliya, balse uu yahay calaamad muujinaysa awoodda shacabka marka ay mideysnaadaan oo ay u istaagaan hal ujeeddo.
Wuxuu intaas ku daray in maalinta maanta aysan u gaar ahayn Itoobiya oo keliya, balse ay tahay maalin sharaf iyo farxad u ah Afrika oo dhan, maadaama biyo-xidheenku ka baxsan yahay kaliya daboolidda baahida korontada, isla markaana uu fursad u abuurayo jiilalka mustaqbalka si ay u dhaxlaan dal iyo qaarad ka wanaagsan.
Madaxweyne Salva Kiir ayaa carrabka ku adkeeyay in Koonfurta Suudaan aysan Itoobiya u arkin oo keliya deris, balse ay yihiin walaalo ay wadaagaan taariikh, saaxiibtinimo iyo riyo mideysan.
Wuxuu intaas ku daray in horumarka hal dal uu yahay horumarka dhammaan dalalka deriska ah, isla markaana uu ku baaqay in si wadajir ah loogu shaqeeyo nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada.
Madaxweyne Salva Kiir wuxuu sidoo kale shaaciyay in Koonfurta Suudaan ay qorsheyneyso inay heshiis cusub la gasho Itoobiya si ay uga hesho koronto ka dhalata biyo-xidheenka, taas oo uu ku tilmaamay fursad weyn oo u soo hoyanaysa shacabka Koonfurta Suudaan.
Ugu dambeyn, wuxuu muujiyay kalsoonida uu ku qabo in GERD uu iftiin iyo barwaaqo u horseedi doono gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.
#Guusha_Afrika
#Riyada_Qarniga
#Sharafka_Itoobiyaanka
#Quruxda_Jiritaankeena
#Aasaaska_Koboca
#Iftiinka_Mustaqbalka
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya