Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa bilad sharaf guddoonsiiyay masuuliyiintii ka shaqaysay dhismaha Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya - ENA Af-Soomaali
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa bilad sharaf guddoonsiiyay masuuliyiintii ka shaqaysay dhismaha Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya

Addis Ababa, Baagume 4/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa bilad sharaf guddoonsiiyay masuuliyiinta sare ee gacan weyn ka geystay dhismaha Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya (GERD).
Mashruucan oo lagu dhisay maalka, dhididka iyo dhiiga shacabka Itoobiya, ayaa maanta si rasmi ah loogu dhawaaqay dhammeystirkiisa iyadoo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaruhu.
Masuuliyiinta lagu maamuusay waxaa ka mid ah: Inj. Efrem Woldekidan, oo intii u dhaxaysay Hidar 24, 2004 E.C. ilaa Tir 14, 2017 E.C. ka ahaa ku-xigeenka maareeyaha guud ee mashruuca dhismaha biyo-xidheenka, ayaa maanta bilad sharaf lagu guddoonsiiyay.
Inj. Kemal Ahmed, oo tan iyo Miyaasiya 2013 E.C. ahaa maareeyaha hawlgalka dhismaha biyo-xidheenka, ayaa isna bilad sharaf lagu maamuusay.
Belaajaw Kaasaa, oo hadda ka ah ku-xigeenka maareeyaha mashruuca dhismaha biyo-xidheenka isla markaana ah maamulaha goobta, ayaa sidoo kale ka mid noqday masuuliyiinta la guddoonsiiyay bilad sharafta.
Inj. Kifle Horo, oo ah maareeyaha guud ee mashruuca dhismaha Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya, ayaa bilad sharafta ka guddoomay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.).
#Sharafka_Itoobiyaanka
#Tusaalaha_Iskaashiga
#Riyada_Qarniga
#Hadiyadda_Jiilka_Cusub
#Quruxda_Jiritaankeena
#Iftiinka_Rajada
#Aasaaska_Sareynta
#Xasuusta_Taariikhiga
#Iftiinka_Mustaqbalka
#Sharafka_Afrika
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya