Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya wuxuu mideeyay jiilka Abaay – Madaxweyne Taaye Asqasilaase

Addis Ababa, Baagume 4/2017 (ENA): Madaxweynaha Itoobiya Taaye Asqasilaase ayaa sheegay in Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya (GERD) uu yahay mashruuc weyn oo mideynaya jiilka Abaay kaasoo ay hoostiisa hadhsan doonaan.

Madaxweynuhu wuxuu xusay in mashruucan weyn uu yahay mid shacabka Itoobiya ku dhiseen rabitaankooda horumarineed, iyadoo lagu bixiyay dhididkooda, ilmadooda, dhiiggooda iyo sharafkooda.

Isagoo ku qoray fariin uu soo dhigay boggiisa baraha bulshada, ayuu carrabka ku adkeeyay in mashruucan uu yahay mid qaran oo taariikhi ah.

Waxa uu sheegay in aragtida iyo adkaysiga ay muujiyeen hoggaamiyeyaashii hore iyo kuwa hadda joogaa ee ku aaddan dhismaha biyo-xidheenka ay runtii mudan yihiin in la layaabo.

Madaxweyne Taaye ayaa hoosta ka xariiqay in GERD uu mideeyo jiilka Abaay, isla markaana uu yahay saldhigga guulaha waaweyn ee mustaqbalka Itoobiya.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015