Ra’iisul Wasaare Abiy (Dr.) ayaa ku dhawaaqay in la dhammeeyay Biyo-xidheenka Weyn ee Horumarka Itoobiya

Addis Ababa, Baagume 4/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa maanta ku dhawaaqay dhamaystirka Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya oo loo arko astaan mideynta shacabka Itoobiya.

Mashruuca biyo-xidheenka oo ahaa riyo dheer oo qarniyo badan dadka Itoobiya sugayeen ayaa hadda si rasmi ah loo dhammaystiray, xafladdii furitaanka ayaana ka socota magaalada Guba.


 

Xafladda waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.), Afhayeenka Golaha Federeeshinka Aganyahu Tashaagar, Afhayeenka Golaha Wakiillada Shacabka Taagese Jaafo iyo Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha Tamasgan Tirunah.

Sidoo kale waxaa ka qayb galay Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Madaxa Xarunta Isku-duwidda Dhismaha Nidaamka Dimoqraadiyadda iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha Xisbiga Aadan Faarax, Ra’iisul Wasaarihii hore Hailemariam Desalegn, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore Demeke Mekonnen, madaxda dowlad-deegaannada iyo wasiirro.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015