Afrika waxay u baahan tahay maalgashi wadajir ah, ee uma baahna kaalmo ka caawinaya isbeddelka cimilada - Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) - ENA Af-Soomaali
Afrika waxay u baahan tahay maalgashi wadajir ah, ee uma baahna kaalmo ka caawinaya isbeddelka cimilada - Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)

Addis Ababa; Bagumen 3/2017 (ENA): Afrika waxay u baahan tahay maalgashi wadajir ah, ee uma baahna gargaar, si loo helo isbeddelka cimilada, ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.).
Shirkii labaad ee isbedelka Cimilada Afrika ayaa ka furmay Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Addis.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.), madaxda gobolka iyo wadamo kala duwan oo Afrikaan ah, madaxda hay’adaha caalamiga ah, cilmi-baarayaasha isbeddelka cimilada.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) oo khudbad ka jeediyay furitaankii shirka ayaa sheegay in ay waajib nagu tahay in aan ka soo bilowno halka aan joogno, ee ma ahan in aan ka soo bilowno halka ay naga maqan tahay, si aan wax uga qabanno caqabadaha isbedalka cimilada.
Waxa kale uu sheegay in Afrika ay leedahay dhalinyaro aad u badan, dhul beereed, iyo awood weyn oo tamar la cusboonaysiin karo.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in aan halkan u joogno sidii aan xal ugu heli lahayn isbeddelka cimilada adduunka.
Sidaa darteed, wuxuu sharaxay in Afrika ay kori karto iyada oo aan waxyeello u geysanayn hab-nololeedkeeda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Afrika aysan u baahneyn in laga caawiyo isbeddelka cimilada, balse ay u baahan tahay maalgashi wadajir ah, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in faa’iidada maalgashiga ee isbeddelka cimilada ay tahay mid muhiim ah.
Waxa uu sidoo kale soo jeediyay in la sameeyo qaab ay ku lug leeyihiin jaamacadaha iyo cilmi-baarayaasha qaaradda, iyo sidoo kale dadka kale ee ay khuseyso, iyo bixinta xal habaysan oo isbeddelka cimilada.
Waxa kale uu sidoo kale tilmaamay in Itoobiya ay beeratay in ka badan 48 bilyan oo geedo ah iyadoo la adeegsanayo barnaamijka raadka Cagaaran oo ay bilowday 7 sano ka hor.
Waxa uu tilmaamay in barnaamijka raadka Cagaaran marka laga soo tago ilaalinta deegaanka uu fursad weyn u abuuray ka soo kabashada meelaha burburay, sugnaanta cuntada iyo shaqo abuurka.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in biyo xidheenka weyn ee Itoobiya oo dhawaan la daah-furi doono uu soo saari doono in ka badan 5,000 oo Watt oo tamarta la cusboonaysiin karo, taas oo faa’iido u leh Itoobiya iyo gobolkaba.
Ugu danbayntii waxa uu sidoo kale xusay in Itoobiya ay aad u daneyneyso in ay martigeliso shirka Qaramada Midoobay ee is bedelka cimilada.
#Ethiopian_News_Agency
#somali
#Ethiopia