Waa inaan caalamka tusnaa in Afrika ay tahay qaarad gaari karta yoolalka lagaga hortegayo isbeddelka cimilada – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)

Addis Ababa; Bagumen 3/2017 (ENA): Waa inaan caalamka tusnaa in Afrika ay tahay qaarad gaari karta himilooyinka cimilada, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.).

Farriin uu Ra’iisul Wasaaruhu soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada ayuu sidoo kale ku sheegay in dhiraynta aysan ahayn mashruuc tijaabo ah balse ay tahay mashruuc kamid ah dhaqangalinta ka hortegga isbedelka cimilada.

Waxa uu sheegay in beeraha casriga ah ay quudin doonaan malaayiin qof, horumarinta marinnada cagaaranna ay ka keeni doonaan faa’iidooyin dhaqaale oo labada dhinac ah iyadoo la isku xirayo magaalooyinka iyo dhulka miyiga ah.

#Itoobiya
#Wakaalladda Wararka Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015